Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Kooxaha Roma,Napoli,Fiorentina iyo Empoli oo Guulo Gaaray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Ciyaaraha
0
Kooxaha Roma,Napoli,Fiorentina iyo Empoli oo Guulo Gaaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Roma oo aan badin afartii kulan ee ugu dambeysay horyaalka talyaaniga ayaa galabta 2-1 uga badisay kooxda Cagliari,waxana ay todobo dhibcood u soo jirsatay kooxda Juventus oo hogaamineysa horyaalka talyaaniga.

Kooxda Roma ayaa waxaa labada gool u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Adem Ljajic iyo Leandro Paredes.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Kooxda Cagliari oo lagu ciyaarayay garoonkeeda Stadio Sant’Elia ayaa waxaa goolka kaliya u dhaliyay ciyaaryahan Paul-Jose M’Poku oo bedel ku soo galay ciyaarta.

Kooxda Roma ayaa kaalinta labaad uga jirto horyaalka talyaaniga,waxana ay leedahay 46-dhibcood,halka kooxda Cagliari oo uu hogaamiyo macalin Gianfranco Zola ay horyaalka uga jirto kaalinta 17-aad,iyadoo leh 19-dhibcood.

Kooxda Napoli ayaa xajisatay kaalinta sedaxaad ee horyaalka,ka dib markii ay 3-1 kooxda Udinese.

Kooxda Napoli ayaa waxaa qeybtii hore ee ciyaarta labo gool u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Dries Mertens iyo Manolo Gabbiadini ,halka qeybtii labaad ee ciyaarta uu ciyaaryahan Cyril Thereau goolka sedaxaad ka dhaliyay kooxdiisa Udinese.

Kooxda Napoli oo uu hogaamiyo macalin Rafael Benitez ayaa fara dhibcood u soo jirsatay kooxda Roma oo kaalinta labaad uga jirto horyaalka,waxana ay leedahay 42-dhibcood,halka kooxda Udinese ay horyaalka uga jirto kaalinta 12-aad,iyadoo leh 28-dhibcood.

Kooxda Empoli oo aan sagaal kulan badin horyaalka talyaaniga ayaa galabta 2-0 uga badisay kooxda Cesena.

Kooxda Empoli ayaa waxaa labadii qeyb ee ciyaarta labada gool u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Massimo Maccarone iyo Franco Signorelli.

Kooxda Empoli ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta 15-aad,waxana ay leedahay 23-dhibcood,halka kooxda Cesena ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Kooxda Sampdoria ayaa garoonkeeda Stadio Luigi Ferraris barbardhac 1-1 ah kula gashay kooxda Sassuolo.

Kooxda Sassuolo ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii labaad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Francesco Acerbi.

Kooxda Sampdoria ayaa waxaa daqiiqadii sagaalaad ee ciyaarta goolka barbadhaca u dhaliyay ciyaaryahan Eder.

Kooxda Sampdoria ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta shanaad,waxana ay leedahay 35-dhibcood,halka kooxda Sassuolo ay horyaalka uga jirto kaalinta 11-aad,iyadoo leh 29-dhibcood.

Kooxda Fiorentina ayaa galabta garoonkeeda Artemio Franchi 3-2 uga badisay kooxda Atalanta.
fio
Kooxda Fiorentina ayaa waxaa afarta gool u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Jose Basanta, Alessandro Diamanti iyo Manuel Pasqual.

Ciyaaryahan Mohamed Salah oo kooxda Fiorentina ay si amaah ah uga soo qaadatay kooxda Chelsea ayaa maanta kulankiisii u horeeyay u saftay kooxda Fiorentina.

Kooxda Fiorentina ayaa kala hoeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta afaraad,waxana ay leedahay 35-dhibcood,halka kooxda Atalanta ay horyaalka uga jirto kaalinta 16-aad,iyadoo leh 23-dhibcood.

Previous Post

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo La Guddoon siiyey Shahaado Sharaf Uu Ku Muteystay Dhowrista Afka Soomaaliga “SAWIRRO”

Next Post

Newcastle United iyo Stoke Ciy oo Bareejo Ku Kala Baxay “SAWIRRO”

Next Post
Newcastle United iyo Stoke Ciy oo Bareejo Ku Kala Baxay “SAWIRRO”

Newcastle United iyo Stoke Ciy oo Bareejo Ku Kala Baxay “SAWIRRO”

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, si...

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

January 12, 2026
0

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka YH-da Israa’iil ay kula kacday midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ay dhigan jireen khawaarijtii laga xoreeyey deegaanka Jilib marka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In