Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Kooxaha Roma,Napoli,Fiorentina iyo Empoli oo Guulo Gaaray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Ciyaaraha
0
Kooxaha Roma,Napoli,Fiorentina iyo Empoli oo Guulo Gaaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Roma oo aan badin afartii kulan ee ugu dambeysay horyaalka talyaaniga ayaa galabta 2-1 uga badisay kooxda Cagliari,waxana ay todobo dhibcood u soo jirsatay kooxda Juventus oo hogaamineysa horyaalka talyaaniga.

Kooxda Roma ayaa waxaa labada gool u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Adem Ljajic iyo Leandro Paredes.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Kooxda Cagliari oo lagu ciyaarayay garoonkeeda Stadio Sant’Elia ayaa waxaa goolka kaliya u dhaliyay ciyaaryahan Paul-Jose M’Poku oo bedel ku soo galay ciyaarta.

Kooxda Roma ayaa kaalinta labaad uga jirto horyaalka talyaaniga,waxana ay leedahay 46-dhibcood,halka kooxda Cagliari oo uu hogaamiyo macalin Gianfranco Zola ay horyaalka uga jirto kaalinta 17-aad,iyadoo leh 19-dhibcood.

Kooxda Napoli ayaa xajisatay kaalinta sedaxaad ee horyaalka,ka dib markii ay 3-1 kooxda Udinese.

Kooxda Napoli ayaa waxaa qeybtii hore ee ciyaarta labo gool u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Dries Mertens iyo Manolo Gabbiadini ,halka qeybtii labaad ee ciyaarta uu ciyaaryahan Cyril Thereau goolka sedaxaad ka dhaliyay kooxdiisa Udinese.

Kooxda Napoli oo uu hogaamiyo macalin Rafael Benitez ayaa fara dhibcood u soo jirsatay kooxda Roma oo kaalinta labaad uga jirto horyaalka,waxana ay leedahay 42-dhibcood,halka kooxda Udinese ay horyaalka uga jirto kaalinta 12-aad,iyadoo leh 28-dhibcood.

Kooxda Empoli oo aan sagaal kulan badin horyaalka talyaaniga ayaa galabta 2-0 uga badisay kooxda Cesena.

Kooxda Empoli ayaa waxaa labadii qeyb ee ciyaarta labada gool u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Massimo Maccarone iyo Franco Signorelli.

Kooxda Empoli ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta 15-aad,waxana ay leedahay 23-dhibcood,halka kooxda Cesena ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Kooxda Sampdoria ayaa garoonkeeda Stadio Luigi Ferraris barbardhac 1-1 ah kula gashay kooxda Sassuolo.

Kooxda Sassuolo ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii labaad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Francesco Acerbi.

Kooxda Sampdoria ayaa waxaa daqiiqadii sagaalaad ee ciyaarta goolka barbadhaca u dhaliyay ciyaaryahan Eder.

Kooxda Sampdoria ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta shanaad,waxana ay leedahay 35-dhibcood,halka kooxda Sassuolo ay horyaalka uga jirto kaalinta 11-aad,iyadoo leh 29-dhibcood.

Kooxda Fiorentina ayaa galabta garoonkeeda Artemio Franchi 3-2 uga badisay kooxda Atalanta.
fio
Kooxda Fiorentina ayaa waxaa afarta gool u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Jose Basanta, Alessandro Diamanti iyo Manuel Pasqual.

Ciyaaryahan Mohamed Salah oo kooxda Fiorentina ay si amaah ah uga soo qaadatay kooxda Chelsea ayaa maanta kulankiisii u horeeyay u saftay kooxda Fiorentina.

Kooxda Fiorentina ayaa kala hoeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta afaraad,waxana ay leedahay 35-dhibcood,halka kooxda Atalanta ay horyaalka uga jirto kaalinta 16-aad,iyadoo leh 23-dhibcood.

Previous Post

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo La Guddoon siiyey Shahaado Sharaf Uu Ku Muteystay Dhowrista Afka Soomaaliga “SAWIRRO”

Next Post

Newcastle United iyo Stoke Ciy oo Bareejo Ku Kala Baxay “SAWIRRO”

Next Post
Newcastle United iyo Stoke Ciy oo Bareejo Ku Kala Baxay “SAWIRRO”

Newcastle United iyo Stoke Ciy oo Bareejo Ku Kala Baxay “SAWIRRO”

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In