Tuesday, September 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kooxda Muusikada Booliska Soomaaliyeed waa Hooyada Baando music ee Dalka (Warbixin)

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 23, 2018
in Wararka
0
Kooxda Muusikada Booliska Soomaaliyeed waa Hooyada Baando music ee Dalka (Warbixin)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wadan waliba waxa uu leeyahay Baandeey garaacda Muusikada oo aad uu qurxoon yahay Labiskooda, kuwaasi oo tuma muusikda Astaanta Calamada Calamka, kuwaasi oo lagu soo dhaweeyo hadba Madaxdii dalkaasi soo booqata, haddaba Dalkeenna Soomaaliya waxa uu leeyahay kooxo badan, balse waxaan warbixintan ku eegeynaa Kooxda Baando Muusikada ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kooxda Baando Muusikada ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa la aas-aasay 1943- kii, taasoo laga joogo 75 sano, tan iyo xilligaasi waxay soo martay marxalado kala duwan, waxayna Kooxdu qabataa howl la maxariirta inay u tunto Muusiko ay ku tababarid gaada-kaciyaarka Ciidanka, xilliyada dabaaldegyada, munaasabadaha caamka iyo kuwa gaarka ahba, waxay kaloo ay garaacaan ama tumaan muusikadaha astaamaha Calamada wadamada caalamka, iyadoo ay islmarkaana ka farcameen Baandooyin badan oo ay ka mid yihiin kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Asluubta iyo kuwo kale, waxaana lagu naaneeysaa Hooyada Baandooyinka Muusikada Dalka, waxayna Xaruuntooda ku taallaa agagaarka Dugsiga tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee Degmada xamar jajab ee Gobolka Banaadiir.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo cambaareysay duqeyn Israa’iil ay ka geysatay Qatar

September 9, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo magacaabay Agaasimaha Santuuqa Qaran ee Maareeynta Khataraha Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo magacaabay Agaasimaha Santuuqa Qaran ee Maareeynta Khataraha Masiibooyinka

September 9, 2025

Burbukii dalka ka dib Kooxda Baando Muusikada ee ciidanka booliska ayaa waxay ka mid aheyd hey’adiihii ku bur-buray dalka , hase ahaatee waxaa badbadiyay Askartii iyo qalabkoodaba Alle ha u naxriiste taliyhii hore ee bando musigada ee ciidanka booliska Janraal Cabdi Kaahiye faarax , kaasoo ku guuuleystay inuu badbaadiyo qalabka Baandada iyo waliba rugtoodabna.

Dhamme Maxamed Cali Xalaal oo Taliyaha Baandada Muusikada ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee haatan ayaa burburkii dalka kadib dib u habeyn qoto dheer ku sameeyay, waxaana Baandada lagu soo biiriyay Dhallinyaro aqoonyahanno ah, mislmarkaana casriyeyn ballaaran ku sameeyay, waxayna tumaan dhammaan astaan calaamadeedka muusikada caalamka, heesha wadaniga ah, kuwaasi oo aad loo jecleysto marka ay tumayaan.


“Waxaan jecelnaha inaan sii horumarino qaabka tayada Kooxda Baandeyda Booliska, islmarkaana waxaan gaarsiin doonnaa Gobolada dalka dhammaantood macallimiin tababar siiya dhallinyarada ku dhaqan Deegaanada gobolada Dalka, si heerkooda oo kale u soo gaaraan” ayuu yiri Taliyaha Baandeyda Booliska Soomaaliyeed.Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay maanta heerka ay joogto Kooxda Baandeyda Boolisku heerka la mid ah kuwa Caalamka, iyagoo tumi kara dhammaan astaamaha Calamada Caalamka marka ay yimaadaan Dalka, wuxuuna sii raaciyay in xuska Maalinta Booliska Soomnaaliyeed oo ku began 22-ka disimber ay la iman doonaan horumarro ay sameeyeen, islamarkaana ay kuy ganci doonaan Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo hoosta ka xariiqay in Kooxda Baabdeyda haatan lagu soo kordhiyay Gabdho Soomaaliyeed oo si wanaagsan u tumi kara noocyada kala duwan ee Muusikada.

Alifle Deeqo Maxamed Cilmi oo ka mid ah Gabdhaha ka tirsan Kooxda Baandeyda Booliska ayaa sheegtay inay aad uga faraxsan tahay ka mid ahaanshaha kooxada Baandheyda Booliska, waxayna rajeyneysaa inay guul ka gaarto howsha ay haatan ku jirto, waxayna intaasi ku dartay in shaqada ay haatan waddo aysan wax u dhimeyn sharafteeda gabarnimmo, ayna soo dhaweeyaan dadweynuhu marka ay arkaan gabar Soomaaliyeed oo ka mid ah Kooxda Bandheyda.

Haddaba kooxdan oo ah mid aad u da’ weyn oo waliba aad caan uu uga ahaa Allha u naxariistee Cabdi Kaahiye Faarax oo lagu naaneysi jiray Harag shabeel, ayaa fagaarayaasha ka garaaca Muusik aad u macaan, kuwaasi oo ah muusik heeseed Wadani ah, waxaan leenahay Kooxda Baandada Booliska Soomaal;iyeed ha sii wadda dadaalkeeda ku aadan ka tumidda Muusikada goobaha lagu sameynayo Munaasabadaha iyo kuwa lagu soo dhaweynayo Madaxda Caalamka.

Previous Post

Yeman iyo Jabuuti oo ka wada hadlay  Iskaashiga labada dal

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Wasiirka Difaaca Ku Amray Dardar-gelinta Isla-xisaabtanka, Qorshaha Dib-u-dhiska Ciidanka Iyo Xoraynta Dalka “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Wasiirka Difaaca Ku Amray Dardar-gelinta Isla-xisaabtanka, Qorshaha Dib-u-dhiska Ciidanka Iyo Xoraynta Dalka “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Wasiirka Difaaca Ku Amray Dardar-gelinta Isla-xisaabtanka, Qorshaha Dib-u-dhiska Ciidanka Iyo Xoraynta Dalka "SAWIRRO"

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo cambaareysay duqeyn Israa’iil ay ka geysatay Qatar

September 9, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqeymaha ay ciidamada Israa’iil ka geysteen magaalada Doha ee dalka Qatar, oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo magacaabay Agaasimaha Santuuqa Qaran ee Maareeynta Khataraha Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo magacaabay Agaasimaha Santuuqa Qaran ee Maareeynta Khataraha Masiibooyinka

September 9, 2025
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa u Magacabay Cabdullaahi Maxamuud Diiriye, Agaasimaha Santuuqa Qaran ee...

Hay’adda SoDMA oo daahfurtay shir ku saabsan kahortagga leexsiga gargaarka bani’aadannimada

Hay’adda SoDMA oo daahfurtay shir ku saabsan kahortagga leexsiga gargaarka bani’aadannimada

September 9, 2025
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) oo kaashanaysa Sanduuqa Carruurta Qaramada Midoobay (UNICEF) ayaa magaalada Muqdisho ku daah-furtay shir wadatashi oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka 2-aad ee Cimilada Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka 2-aad ee Cimilada Afrika

September 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika oo lagu qabtay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In