Saturday, December 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kooxo hubeysan oo dhaawac u geystay mudane ka tirsan baarlamaanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Dhoolatus ay sameynayaan ciidanka booliska oo Muqdisho ka socda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxo hubeysan ayaa dhaawacay mudane ka tirsan baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Cali Diheeye, iyadoo falkaasi ay ku geeriyoodeen labo ka tirsan ilaaladiisa sida ay qortay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Warka ayaa intaa ku daraya in kooxaha dhaawaca u geystay Xildhibaanka ay goobta ka baxsadeen, iyadoo falkaasi uu ka dhacay nawaaxiga Bacadlaha ee degmada Xamarweyne.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025

Dhanka kale, Afhayeenka gobolka Banaadir, Cabdifitaax Cumar Xalane oo ka hadalay dhacdadaan ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay in dableey hubeysan ay rasaas ku fureen gaari uu saarnaa Xildhibaanka xilli uu marayay nawaaxiga Bacadlaha, waxaana halkaasi ku geeriyooday labo ka mid ah ilaalada Xildhibaanka, iyadoo sidoo kale dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen xildhibaanka iyo dadweyne kale oo ka agdhawaa goobta ay dhacda ka dhacday.

“Weerarka waxaa ku dhaawacmay xildhibaanka, waxaana sidoo kale ku geeriyooday labo ka mid ah ilaaladiisa” ayuu yiri, Afhayeenka gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane.

Dhaawaca xildhibaanka ayaa haatan waxaa lagu dabiibayaa mid ka mid ah xarumaha caafimaadka ee ku yaala Magaalada Muqdisho.

 

 

Previous Post

Ciidamada Xoogga iyo AMISOM oo howlgallo ku dilay ajaanib iyo horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(QAAHIRA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah soo gaaray Magaalada Qaahira...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Addis-Ababa):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo hal maalin ku tagay magaalada Addis Ababa...

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In