Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kooxo Hubeysan oo Saraakiil Boliis ah ku laayay Dalka Burkina Faso

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Kooxo Hubeysan oo Saraakiil Boliis ah ku laayay Dalka Burkina Faso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Toban Boliis ah ayaa ku dhimatay Saddex kalena dhaawcyo ayaa kasoo gaaray, weerar gaadma ah oo ay Debleey ka geysteen Waqooyi bari ee Dalka Burkina Faso, sida ay sheegtay Wasaaradda amniga ee Dalkaasi.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda amniga ee Burkina Faso ayaa sidoo kale lagu sheegay in Askarta la laayay ay la socdeen Koox Baabuur ah oo ka ambabaxday Gobolka Toeni, iyagoo kusii jeeday Tuulo ku dhow Degmada Dedougou.

Saraakiishan ayaa ku sii jeeday Tuulada Loroni, oo ku dhow xadka Dalka Maali, halkaas oo kooxo Hubeysan ay weerar ku qaadeen, iyagoo gubay  Iskuul halkaasi yaal, sida Ilo ku dhow wasaaradda amniga ay u sheegeen Wakaaladda Wararka ee AFP.

Laba ka mid ah Askarta la dhaawacay ayaa xaaladdooda Caafimaad laga deyrinayaa , kuwaas oo loo qaaday Isbitaal ku yaalla Degmada Dedougou, sida ay Wasaaraddu sheegtay.

Dalka Burkina faso ayaa Saddexdii Sana ee lasoo dhaafay wuxuu marti gelinayay weerarro dhimasho badan sababay, waxanay shaqaaqooyinkan ku faafeen qaybo badan ka mid ah Dalka iyo xuduudda Waddamada Togo iyo Benin.

Ma jirto cid sheegatay weerarkan ugu dambeeyay, balse waxaa loo malaynayaa in ay ka dambeeyaan Kooxo Islaamiyiin ah oo qaarkood Gacansaar la leh Ururka Al-Qaacidda.

Kooxahan mintidiinta ah ayaa la rumeysan yahay in ay ka dambeeyeen weerarro badan oo Dalkaasi ka dhacay, kuwaas oo sababay dhimashada in ka badan 255 Qof, tan iyo Sanaddii 2015-kii.

Tags: seyd omar sheikh ismail
Previous Post

Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha XFS oo dib u dhigtay Qabashada Tartanka Kubadda Cagta ee Dawlad goboleedyada iyo G/banaadir.

Next Post

2,241 Qof oo Sanadkan ku dhimatay (Mediterranean Sea) Badde dhexe

Next Post
2,241 Qof oo Sanadkan ku dhimatay (Mediterranean Sea) Badde dhexe

2,241 Qof oo Sanadkan ku dhimatay (Mediterranean Sea) Badde dhexe

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
0

  RADIO MUQDISHO:-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In