Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kooxo Hubeysan oo Saraakiil Boliis ah ku laayay Dalka Burkina Faso

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Kooxo Hubeysan oo Saraakiil Boliis ah ku laayay Dalka Burkina Faso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Toban Boliis ah ayaa ku dhimatay Saddex kalena dhaawcyo ayaa kasoo gaaray, weerar gaadma ah oo ay Debleey ka geysteen Waqooyi bari ee Dalka Burkina Faso, sida ay sheegtay Wasaaradda amniga ee Dalkaasi.

Related posts

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda amniga ee Burkina Faso ayaa sidoo kale lagu sheegay in Askarta la laayay ay la socdeen Koox Baabuur ah oo ka ambabaxday Gobolka Toeni, iyagoo kusii jeeday Tuulo ku dhow Degmada Dedougou.

Saraakiishan ayaa ku sii jeeday Tuulada Loroni, oo ku dhow xadka Dalka Maali, halkaas oo kooxo Hubeysan ay weerar ku qaadeen, iyagoo gubay  Iskuul halkaasi yaal, sida Ilo ku dhow wasaaradda amniga ay u sheegeen Wakaaladda Wararka ee AFP.

Laba ka mid ah Askarta la dhaawacay ayaa xaaladdooda Caafimaad laga deyrinayaa , kuwaas oo loo qaaday Isbitaal ku yaalla Degmada Dedougou, sida ay Wasaaraddu sheegtay.

Dalka Burkina faso ayaa Saddexdii Sana ee lasoo dhaafay wuxuu marti gelinayay weerarro dhimasho badan sababay, waxanay shaqaaqooyinkan ku faafeen qaybo badan ka mid ah Dalka iyo xuduudda Waddamada Togo iyo Benin.

Ma jirto cid sheegatay weerarkan ugu dambeeyay, balse waxaa loo malaynayaa in ay ka dambeeyaan Kooxo Islaamiyiin ah oo qaarkood Gacansaar la leh Ururka Al-Qaacidda.

Kooxahan mintidiinta ah ayaa la rumeysan yahay in ay ka dambeeyeen weerarro badan oo Dalkaasi ka dhacay, kuwaas oo sababay dhimashada in ka badan 255 Qof, tan iyo Sanaddii 2015-kii.

Tags: seyd omar sheikh ismail
Previous Post

Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha XFS oo dib u dhigtay Qabashada Tartanka Kubadda Cagta ee Dawlad goboleedyada iyo G/banaadir.

Next Post

2,241 Qof oo Sanadkan ku dhimatay (Mediterranean Sea) Badde dhexe

Next Post
2,241 Qof oo Sanadkan ku dhimatay (Mediterranean Sea) Badde dhexe

2,241 Qof oo Sanadkan ku dhimatay (Mediterranean Sea) Badde dhexe

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la afuray cutubyo ka tirsan  Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

March 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh ka diray geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

March 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho Afur Sharafeed ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In