Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kordhinta tirada iyo tayada ciidanka xasillinta Caasimadda (Warbixin).

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Kordhinta tirada iyo tayada ciidanka xasillinta Caasimadda (Warbixin).
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kordhinta tirada iyo tayada ciidanka sugaya amniga caasimadda waxay ahayd howl ay Dowladdu gelisay dadaal iyo juhdi xoog leh, iyadoo kaashaneysa saaxiibadeeda si ay magaaladan u hesho ciidan xoog leh oo ku filan amniga caasimadda.

” Dhammaanteen anigoo madaxweynaha Jamhuuriyadda aan ugu sareeyo iyo islaanta Yaanyada jidka ku gadeysa iyo wiilka yar ee iskuulka Elementariga dhigta ee u kala haya dhammaan adinkey idin soo eegayaan, maxay idinka soo eegayaan?, sharaf iyo karaamo in ay ku noolaadaan ayay idinka soo eegayaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlayay ciidamada xasillinta ee loo qorhseeyay sugida amniga caasimadda.

Related posts

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026

Ciidanka xasillinta oo dhowr kun loo qorsheeyay xasillinta magaalada ayaa ka sokow tababarada iyo qalabeynta casriga ah waxaa u dheeraa habka la dhaqanka bulshada oo laga diyaariyay si meesha looga saaro kalsooni darada ay bulshada ka muujin jireen ciidamada qaar.

” Waayeelka,carruurta iyo dadka qaar ee qaba baahiyaha gaarka ah in aad mar walba gacanta qabataan,isku soo cel-celiyoo warkeyga wuxuu ku dhan yahay dadkeenu u naxariista, cadowgana ku dhiira-naada”.

Waxaa ciidamo si gaar ah loogu soo xulay dhaqan iyo akhlaaq wanaagsan sida ka muuqata shaqada ay ka qabanayaan magaalada oo dadka si wanaagsan oo ixtiraam leh ay ula dhaqmayaan, taas oo meesha ka saareysa cabsidii laga qabay ciidamada qaar.

Ciidamada Baraha kontaroolada taagan ee sugaya amniga caasimadda ayaa shacabka si naxariis iyo cabsi la’aan ku jirto u weydiinaya xaaladda ugana gudanaya waajibaadkooda qaran, iyagoo si gaar ah ugu turaya waayeelada, carruurta iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo waddada si nabdoon ku gudbinaya.

” Annaga adinkaa wax idinku nahay, adinkana annagaa wax nagu tihiin, fadlan aan wada shaqeyno,”. waa oraahda qalbi taabkadka ah ee saraakiisha ciidamada xasillinta caasimadda dadka Kula macaamilayaan.

Waxaa guud ahaan magaalada laga dareemay amni iyo deganaasho la isku haleyn karo, qof walbana wuxuu bilaabay inuu booqdo xaafado muddo dheer ugu dambeysay, taas oo noqotay xilligan hadal haynta ugu badan oo dadka Muqdisho isla dhexmaraan, ka dib dhowr iyo toban sano oo nabadda magaaladan geed dheer ku laalneyd.

 

Previous Post

Dagaallo iyo Duqeymo culus oo dib ugu bilowday Suudaan

Next Post

Weerar ay dad ku geeriyodeen oo ka dhacay  goob laga soo saaro Shidaal oo ku taalla Pakistan

Next Post
Weerar ay dad ku geeriyodeen oo ka dhacay  goob laga soo saaro Shidaal oo ku taalla Pakistan

Weerar ay dad ku geeriyodeen oo ka dhacay  goob laga soo saaro Shidaal oo ku taalla Pakistan

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In