Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kormeerayaasha Dugsiyada Dowladda oo tababbar loo furay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Kormeerayaasha Dugsiyada Dowladda oo tababbar loo furay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababbar aqoontooda kor loogu qaadayo kormeerayaasha Dugsiyada Dowladda ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Furitaanka tababarkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Xassan Maxamed Cali, agaasimaha dugsiyada Wasaaradda Waxbarashada Muuse Caraale iyo Agaasimaha Manhajka Maxamed Mukhtaar.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Tababarkan ayaa waxaa ka qeyb galaya 58-kormeere kuwaasi oo loogu talo galay inay la socdan buugaagta manhajka cusub ee dhawaan ay qeybisay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Arrimaha kale ee lagu baran doono tababarkan ayaa waxaa ka mid ah hubinta xogta macalimiinta, si loo helo isla xisaabtan dhab ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane, Xassan Maxamed Cali oo daah furay tababarkan ayaa kula dardaarmay xubnaha ka qeyb galaya inay ka faa’ideystan.

“Dhamaantii waxaa la idinka rabaa inaad si dhab ah uga soo baxdan howsha la idin  xil saaray, islamarkana aad la socotan buugaagta manhajka cusub iyo sida loo qaadanayo, iyo hubinta macalimiinta”ayuu yiri agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada  Mudane Xassan Maxamed Cali.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan la soo wareegtay 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir, iyadoo si lacag la’aan ah ay wax uga bartan caruurta Soomaaliyeed.

Previous Post

Wasiirka Waxbarashada oo kormeeray dhismaha cusub ee Wasaaradda “SAWIRRO”

Next Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo akhrinta koowaad marsiiyay sharci la xiriira Liil-tirka

Next Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo akhrinta koowaad marsiiyay sharci la xiriira Liil-tirka

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In