Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo akhrinta koowaad marsiiyay sharci la xiriira Liil-tirka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 3, 2018
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Guud ee mudanayaasha Golaha Shacabka waxa ay ugu horeyn Xildhibaanada ay Akhrinta 1-aad marsiiyeen Mashruuc sharci ku saabsan xuquuqda Liil-tirka (Dheyma-Nololeedka) siyaasiyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan oo ka tirsan guddiga xeer-hoosaadka,Anshaxa iyo Xasaanada ee Golaha Shacabka uu Xildhibaanada u faah faahiyay saameynta miisaaniyadeed uu yeelanaayo,isagoo xildhibaanada ka codsaday in ay soo aqriyaan si uusan waqtiga golaha uga qaadan.

 

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Xildhibaanada u akhriyay muhiimada sharcigan uu leeyahay, isago tilmaamay in uu ahmiyad weyn ku fadhiyo.

Intaasi ka dib Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa guda galay Ajendaha labaad ee kulanka oo ahaa sii wadista dooda iyo ansixinta xeer hoosaadka golaha shacabka, waxayna xildhibaanada ay fikirkooda ka dhiibteen qodobada qaar ee xeer hoosaadka.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray ayaa ugu baaqay Xildhibaanada maqan in ay kulamada yimaadaan maadaamaa xeer hoosaadka ansixintiisa ay tahay howl culus, wuxuuna habdhowrka golaha uu faray in ay guddoonka u gudbiyaan liiska Xildhibaanada kulamada guud ee golaha ka maqan.

Previous Post

Kormeerayaasha Dugsiyada Dowladda oo tababbar loo furay

Next Post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo cambaareeyay weerarkii argagixisanimo ee magaalada Minya dalka Masar

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo cambaareeyay weerarkii argagixisanimo ee magaalada Minya dalka Masar

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In