Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug Cabdullaahi Maxamed Daahir oo ay wehliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Daahir Faarax Fiidoow iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray degmada Wisil ee gobolka Mudug.
Masuuliyiinta ayaa ujeedka socdaalkooda ku sheegay u kuurgelidda xaaladda adeegyada biyaha iyo caafimaadka ee bulshada ku nool degmada iyo deegaanada ku xeeran.
Intii ay ku sugnaayeen Wisil, wafdiga ayaa kulan xog-warran ah la qaatay masuuliyiinta maamulka degmada, kuwaas oo ka warbixiyay baahiyaha iyo caqabadaha ka jira adeegyada aas-aasiga ah, gaar ahaan helitaanka biyo nadiif ah iyo adeegyada caafimaadka.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu qiimeynayo xaaladda adeegyada bulshada iyo sidii loo xoojin lahaa baahiyaha aasaasiga ah ee ay qabaan dadka ku nool deegaannada Galmudug.











