Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kow iyo Toban Arday Soomaali ah oo heley Deeq Waxbrasho gobolka Ohio

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Kow iyo Toban Arday Soomaali ah oo heley Deeq Waxbrasho gobolka Ohio
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sanad walba xilligan oo kale waxaa magaalada Columbus Ohio ee dalkan Mareykanka lagu qabtaa xaflad loogu talo galay ardayda dhamaysatay dugsiyada Sare iyo kuliyadaha kala geddisan ee gobolka Ohio.

Xafladdan oo ay qeybaha bulashada, madaxda gobolka iyo ardayda intuba ka soo qeybgalaan waxaa soo abaabulay isla markaana soo waday mudo 9 sano ah hay’ada SomaliCAN, oo ah hay’ad u adeegta bulshada, waxaana laf dhabar u ah Prof. Jibril Mohamed.

Related posts

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026

Waxaa goobta ka hadlay madaxda dowladda hoose, gobolka iyo heer qaran, Cabdikhayr Soofe oo ah xiriiriyaha xafiiska duqa magaalada, Abukar Osman Balle Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay iyo Mas’uuliyiin kale.

Doorka waliidiinta Soomaaliyeed ayaa lagu tilmaamay mid aan qarsoomi karin iyada oo loo mahad celiyay waalid walba oo ubadkiisa gaarsiiyay meel uu ka sii socon karo isla markaana Tusaale wanaagsan u noqon kara Jiilasha la siman.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka soo qeybgasha xafladan sanad walba waxa ay ka helaan deeqo waxbarasho iyo dhiiranaan ay ku sii wataan waxbarashadooda. Deeqaha waxbarasho waxaa gacan weyn ka geysta qareennada Flickinger Legal Group oo muddo dheer la shaqaynayay bulshada Soomaaliyeed.

Sanadkan, waxaa abaalmarin la gudoonsiiyay 11 Arday oo kala ahaa Shan wiil iyo Lix gabdhood, waxayna qeyb ka ahayeen arday badan oo aan ku soo bixin qorituurkii loo sameeyay ardada. Ardada

1      Sumayah Aden, Dublin Coffman High School

2      Salma Mohamed, Westerville Central High School

3      Safia Hersi, Westerville Central High School

4      Omar Jeylani, South-Western Career Academy

5      Mohamed Awil, Mifflin High School

6      Mohamed Abdulahi, Horizon Science Academy

7      Maryam Bafadal, Franklin Heights High School

8      Kiin Ali, Franklin Heights High High School

9      Fardowsa Dahir, Hilliard Bradley High School

10   Abdulkhabir Hassan, Connections Academy

11   Abdifatah Warsame, Franklin Heights High School

Taageerada iyo deeqaha waxbarasho ee ardaydan la siiyay waxaa gacan ka geystan meherado Soomaaliyeed iyo kuwo Soomaalida la shaqeeya oo ay ka mid yihiin:

Flickinger Legal Group, Fifth Third Bank, Focus, FCCS, CareSource, Columbus CRC, OSU AAAS, the Buckeye Ranch, Zenith Academy, OSU Social Work, Denison University, Hiiraan Online, Midnimo Middle,  MAS, Twinkle Star, Enhanced, iyo kuwo kale oo baddan

Barnaamijka qalinjebinta iyo deeqaha waxbarashada Ohio ayaa loogu talagalay in lagu muujiyo dedaalka dheeriga ah ee ardayda iyo waaliddiinta Soomaaliyeed ka sameeyaan dhanka waxbarashada taas oo si weyn uga dhex muuqata marka loo eego qowmiyadaha soo galootigaa.

Dhiirogalinta iyo qabashada xafladan ee sanadwalba waxay niyad dhis iyo baraarug u noqotaa dhalinyaro baddan oo ku dhiiraday in ay dib ugu laabtaan waxbarashadoodii.

Xafladda qalinjebinta ayaa ku soo dhammaatay farxad iyo rayrayn iyada oo waaliddiinta iyo madaxda bulshadu hambalyo iyo bogaadin u jeediyeen ardada ku guulaysatay deeqaha waxbarasho iyo dhammaan ardada ka baxday dugsiyada sare iyo jaamacadaha Ohio sannadkan 2018.

Deeqo Shire (SONNA)- Columbus Ohio

Previous Post

Ku simaha madaxweynaha oo xalay isbitaalada ku booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxii shalay-Sawirro

Next Post

Ra’iisul wasaaraha oo booqday dhaawacyada qaraxii shalay+ Sawirro

Next Post
Ra’iisul wasaaraha oo booqday dhaawacyada qaraxii shalay+ Sawirro

Ra'iisul wasaaraha oo booqday dhaawacyada qaraxii shalay+ Sawirro

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa maanta soo gebagabeysay tababar muddo 14 maalmood ah socday, kaas oo lagu baranayey diyaarinta iyo...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026
0

Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa soo furtay markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙, oo burcad-badeeddu 17-kii...

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta koowaad marsiiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim u ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In