Friday, October 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku dhawaad 20 ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Awdheegle

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Horjoogayaal ka tirsan kooxda Shabaab oo loo gesytay duqeyn xagga cirka ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Faah faahin dheraad ah ayaa ka soo baxaysa weeraro xagga cirka iyo dhulka ah oo lagu qaaday fariimo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku lahaayeen deeganka Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha Deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Aweys Abuukar oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in xalay saqdii dhexe weerar xagga cirka ah oo ay fuliyeen diyaarado dagaal iyo ciidamo dhulka ka dagaalamayay oo lagu qaaday saddex xarun ay maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Awdheegle, halkaasi oo lagu dilay ku dhawaad 20 Al-Shabaab ka tirsan.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

“Way jirtaa in xalay saqdii dhexe weerar diyaarado xaga hawada ka dagaalamayay iyo cidamado dhulka ah ay howlgal ka fuliyeen, 3 xarumood ayaa la weeraray, 11 ayaa howlgalka looga dilay, waxaa kaloo jirta in afar meyd ah laga helay dhulka beeraha, hadana afar kale ayaa la soo sheegay in meydadkooda ay ka qaateen meel u dhaw meesha la weeraray, tirada waxa ay ku sii dhawdahay 20 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab” ayuu yiri Guddoomiyaha deegaanka Awdheegle.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in deegaanka Awdheegle ay iminka degantahay, isla markaana ay isaga carareen maleeshiyada Al-Shabaab ee ku dhuumaleysanayay deegaankaasi.

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Lagu soo dhaweeyay gobolka Ohio ee dalka Mareykanka  “Sawirro”

Next Post

Shir looga hadlayay xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa hay’adaha talinta sharciga iyo Wasaaradda Garsoorka

Next Post

Shir looga hadlayay xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa hay'adaha talinta sharciga iyo Wasaaradda Garsoorka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In