Monday, August 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayay xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa hay’adaha talinta sharciga iyo Wasaaradda Garsoorka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan looga hadlayay isku xirka hay’adaha ka shaqeeya talinta sharciga oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaalladda iyo Garsoorka ee Xukuumada Federaalka ah Soomaaliya ayaa waxaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta hay’adaha ka shaqeeya Cadaalladda iyo arrimaha garsooka si loo horumariyo cadaallada dalka.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaalladda iyo garsoorka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Ismaaciil Jimcaale Calasow ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in shirkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay xoojinta wada shaqeynta kala dhexeysa hay’adaha ka shaqeeya talinta sharciga.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay ardaydii Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad

August 24, 2026
R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

August 24, 2026

“Shirkan waxaa uu ku saabsanyahay iska war qabka iyo isxog wareysiga ka dhaxeeya hay’daha ka shaqeeya cadaalladda oo isugu jira Wasaaradda cadaalladda, xabsiyada iyo dhamaan sidoo kale Wasaaradda amniga ayaa ku jira iyo hay’ado kale oo fara badan oo ay ka dhaxeyso wada shaqeyn dhow oo la rabo mustaqbalka dhow in ay sii joogteeyaan wada shaqeyntooda marka muhiimadda waxa ay tahay in laga wadashaqeeyo horumarinta cadaalladda’’ ayuu yiri Xoghayaha joogta ah ee Wasaaradda.

Sidoo kale Mudane Ismaaciil Jimcaale Calasow Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Cadaalladda iyo garsoorka oo ka hadlayay muhiimada shirkan loo qabtay ayaa yiri “Wada shaqeyn caafimaad qabta iyo iska war qab, wadankan waxaa ka jira qaab Federaal ah, waxaana loo baahnyahay in si Federaalka uu u horumaro hay’adaha cadaalladda la horumariyo, ayna wada shaqeeyaan, wuxuuna shirkan abuuri doonaa in hay’ad walba ay ogaato shaqadeeda iyo meesha ay ku egtahay, marka in wada shaqeyn dhab ah la yeesho ayaa ka mid ah waxyaabaha aan ka fileyno”.

Previous Post

Ku dhawaad 20 ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Awdheegle

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Madaxweynaha JFS oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay ardaydii Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad

August 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan dhiirrigelin iyo bogaadin ah la qaatay 10-kii arday ee kaalmaha...

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

August 24, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabad Shahaadooyin lagu guddoonsiinayey Arday dhamaysatay Daraasaadka Sare...

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

August 23, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehelinayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharuucda hortaala Guddiga

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharuucda hortaala Guddiga

August 23, 2026
0

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir ku yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In