Jabhadda ADF ayaa lagu eedeeyay in ilaa iyo 19 ruux ay bariga wadanka jamhuuriyada dimoquraadiga Congo ay ku dileen sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda
Kakule kalunga, oo ka mid odayaasha deegaan ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay dhacdadaasi isaga oo xusay in la helay meydadka ilaa afar iyo toban ruux.
Meydadka dadkan ayaa waxaa dhul keymo ah oo ku yaala tuulada kasanzi oo ka tirsan gobalka kivu ka soo helay shaqaale ka tirsan hay’adda Caalamiga ah ee laanqeyrta Cas.
Magaalada beni oo ah halka uu weerarka ka dhacay ayaa waxaa inta badan duulaano ka soo qaaday Jabhadda adf hore kumanaan ruux ugu dilay dalka Jamhuuriyada dimoquraadiga ee Congo.
War qoraal ah oo uu soo saaray Meleki Mulala, oo ah afhayeen u hadlay urur ay leeyihiin bulshada rayidka ah ayaa ka digay halista bariga wadanka Congo oo ay ka dhacaan dhibaatooyin badan.
Horaantii bishan ayaa waxaa dalkaasi gaaray ciidamo gaar ah oo ka socday dalka mareykanka oo doonaya in malateriga Congo ay ka caawiyaan la dagaalanka Jabhada ADF
Jabhada ADF oo xiriir la leh ururka daacish ayaa waxaa weerar halis ah ka geystay bariga dalka Congo.