Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France Press, Weerar lala beegsaday ciidamada ammaanka ee ka howlgala waqooyi-galbeed ee dalkaasi Niger, saacadahii hore ee saakay ayaa lagu dilay 29 Askari.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Weerarka uu ka dhacay meel u dhow xuduudka uu dalkani la wadaago dalka Maali, xilli ay ciidamadu wadeen hawlgallo lagu ciribtirayo khatarta kooxaha halkaasi ka dagaalama.
Khamiistii lasoo dhaafay ayay aheed markii weerar noocan ah isla galbeedka dalkas lagu dilay Todoba Askari, hase yeshee weerarkan ayaa noqonaya kii ugu dhiig daadashada badnaa tan iyo markii ay ciidamadu xukunka dalkaas kula wareegeen afgambi.