Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku dhawaad 40 askari oo loo soo Tababaray ilaalinta Xeebaha Soomaaliya oo Galkacyo Gaaray ”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Ku dhawaad 40 askari oo loo soo Tababaray ilaalinta Xeebaha Soomaaliya oo Galkacyo Gaaray ”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Askartaan oo gaareeysay ilaa 38 askari oo ka kala socday dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug isla markaana qeyb ka ah ciidamada Badda labada maamul  ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka Mudug kadib tababar ku aadan ilaalinta xeebaha oo ay ku dhawaad muddo laba bilood ah kusoo qaateen dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti.

Ciidamadaan ayaa socdaalkooda waxaa ku wehliyay Taliyaha ciidanka badda ee Dowlad gobaleedka Galmudug G/sare Maxamed Yuusuf Xaashi Cilmi Qabax iyo wasiirka wasaarada kaluumeysiga Kheyraadka Badda Iyo Dakadaha Mudane C/qaadir Cali Jaamac Qalabxoor oo iyagu kasoo qeyb galay xafladii tababarka loogu soo xirayay ciidankaan ee lagu qabtay dalka Jabuuti Jimcihii aynu soo dhaafnay.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026

Askartaan oo ah dufcadii sadaxaad ee ciidamada badda maamulada Galmudug iyo Puntland ee tababar ciidan oo ku saabsan ilaalinta xeebaha kusoo qaata dalka Jabuuti ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay masuuliyiin  iyo saraakiil ka tirsan kuwa Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Wasiirka wasaarada kaluumeeysiga Kheyraadka Badda iyo Dakadaha Galmudug C/qaadir Cali Jaamac Qalabxoor oo soo dhaweeyn ka dib warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka weyn ee magaalada Galkacyo ayaa sheegay in ay dadaal dheer u galeen sidii loo heli lahaa in Galmudug eey yeelato ciidan u tababaran ilaalinta xeebaha maadaama xiligaan ay jiraan dhibaatooyin farabadan oo ka taagan guud ahaan xeebaha dalka soomaaliya gaar ahaanna kuwa Maamulka Galmudug kuwaasoo uu tilmaamay in ay ka mid yihiin kaluumeysiga sharci daradaa ee lagu hayo xeebaha dalkeena iyo sidii loo soo afjari lahaa burcad badeednimada loona soo bad baadin lahaa la heystayaal ajaanib ah oo wali gacanta ugu jira kooxaha burcad badeeda.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay sii wadayaan diyaarinta ciidamo ku filan ilaalinta xeebaha galmudug tan iyo inta laga soo afjarayo dhibaatooytinka ka jira xeebaha dowlad gobaleedka Galmudug oo uu ku tilmaamay ineey yihiin kuwa ugu badan ay ka jiraan xaalufinta badda iyo in loo isticmaalo meel lagu soo daadiyo waxyaabo loo maleeynayo ineey yihiin walxo  kiimikaad kuwaasoo qaarkood hadda lagu arkayo iyagoo ku jira haamo waaweeyn xeebaha marsooyinka Kalad,Gur Guur ,Iidaan ,Afweyn iyo Galhagoog.

Qaar kamida ciidanka tababrka kasoo laabtay oo iyagu la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in dalkoodii ay dib ugu soo laabtaan iyagoo soo qaatay tababar ay sheegeen ineey wax weyn kasoo korarsadeen isla markaana ay haatan diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan ilaalinta xeebaha dalka soomaaliya.

Soo laabashada dufcadan sadaxaad ee ciidanka ilaalada badda Galmudug iyo Puntland ayaa kusoo beegmeeysa xilli ay isa soo tarayaan qeyla dhaanta iyo cabashada kasoo yeereeysa kaluumeysatada soomaaliyeed ee ka jilaabta xeebaha isku xira dagmada Hobyo iyo Marsada Galhoog oo qiyaas ahaan kaga beegan dhanka waqooyi 180Km taasoo ku aadan dhibaatooyin ay ku hayaan maraakiib iyo doonyo si sharci dara ah uguranaya kheyraadkii badda isla markaana ay wataan Ajaanib.

3 (2) 3 (3) 3 (4) 3 (6) 3 (7) 3 (8) 3 (9) 3 (11) 3 (12) 3 (13) 3 (15) 3 (16) 3 (17)

Waxaa Diyaariyay Wariye C/risaaq Maxamed Axmed

Previous Post

Drs Khadra Bashiir oo Xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Dowlada Shiinaha u fadhiya Dalka Soomaaliya Danjire Wei-Hongtian ”SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaarayaasha Soomaaliya iyo Ethiopia oo ku kulmay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ”SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaarayaasha Soomaaliya iyo Ethiopia oo ku kulmay magaalada  Addis Ababa ee dalka Ethiopia ”SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaarayaasha Soomaaliya iyo Ethiopia oo ku kulmay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ”SAWIRRO”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒  𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

September 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In