Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-Simaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada oo kulan la qaatay Guddiga Madaxa-Bannaan ee La Dagaallanka Musuq-Maasuqa “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 24, 2021
in Wararka
0
Ku-Simaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada oo kulan la qaatay Guddiga Madaxa-Bannaan ee La Dagaallanka Musuq-Maasuqa “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo kulan la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee La Dagaallanka Musuq-Maasuqa ayaa uga warbixiyey hannaanka maamul iyo maaliyadeed ee Madaxtooyada.

Agaasime Cabdinuur ayaa tilmaamay dadaalladii ay ku bixiyeen dib u habeynta nidaamka shaqaaleysiinta Madaxtooyada, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, maamul wanaagga iyo hufnaanta Maaliyadeed ee Madaxtooyada Dalka.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa adkeeyey sida ay uga go’an tahay in Madaxtooyada Qaranku ay hormuud uga noqoto hay’adah kale ee Dowladda hufnaanta maamul iyo ka fogaanshaha musuq-maasuqa maaliyadeed.

Dhankooda, Guddiga Madaxa-bannaan ee La Dagaallanka Musuq-Maasuqa ayaa dul istaagay dhibaatada uu leeyahay musuq-maasuqa iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta, iyagoo la wadaagay Agaasime Waaxeedyada Madaxtooyada wacyigelin ku saabsan u hoggaansanaanta sharciga iyo hirgelintiisa.

Ugu danbeyntii, Guddiga Madaxa-bannaan ee La Dagaallanka Musuq-Maasuqa ayaa tilmaamay muhiimadda dalkeenna iyo horumarkiisa ay u leedahay la dagaallanka musuq-maasuqa, taas oo aasaas u ah xaqiijinta maalgashiyada caalamiga ah, kobaca dhaqaalaha, awoodsiinta dhallinyarada iyo xoojinta kalsoonida shacabku ay ku qabaan dowladnimada.

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan looga hadlayay xaaladda guud la qaatay maamulka Degmada Cadale “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeeray goob la qorsheynayo in laga dhiso garoon diyaaradeed “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeeray goob la qorsheynayo in laga dhiso garoon diyaaradeed “SAWIRRO”

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeeray goob la qorsheynayo in laga dhiso garoon diyaaradeed “SAWIRRO”

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In