Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku Simaha M.weynaha Dalka Oo La Kulmay Xubno Matalayay Xisbiyada Siyaasadeed Ee Dalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
DAAWO: Guddomiye Jawaari oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Xildhibaan Xaabsade
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa ku qaabilay xubno metelayey Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira kuwaasoo uu kala hadlay dhameystirka sharciga lagu dhisayo xisbiyada siyaasadeed ee dalka.

Kulankan uu ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” la qaatay xubnahan metelayey Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ayaa ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaana intii uu socday looga hadlay muhiimadda uu leeyahay sharciga lagu dhisayo xisbiyada Siyaasadeed ee dalka oo ka mid ah howlaha laga sugayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

C/laahi Sheekh Daahir iyo Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo u hadlay xubnaha metelayey Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ayaa ka dalbaday Guddoonka Baarlamaanka iney dedejiyaan sharciga lagu dhisayo Xisbiyada siyaasadeed ee dalka iyo Xisbiyada hada jira fursad loo siiyo ka qeybgalka shirarka looga hadlayo masiirka umadda Soomaaliyeed.

Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa u sheegay xubnaha uu la kulmay in sharciga lagu dhisayo Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka uu soo diyaariyey Guddi hoosaad ka tirsan Baarlamaanka islamarkaana loo gudbiyey Golaha Wasiirrada oo hada lagu dhowrayo, Guddoonka iyo Baarlamaankana ay muhiimad gaar u leedahay sameynta sharcigan.

 

Previous Post

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xafiisyo cusub ka furan doonto goobaha laga saaray Al-Shabaab

Next Post

Madaxweyne Xasan oo la kulmay dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta

Next Post
Madaxweynaha: “Baaritaan ayaa lagu sameyn doonaa weerarkii argagixiso ee magaalada Kismaayo’’

Madaxweyne Xasan oo la kulmay dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In