Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku Simaha M.weynaha Dalka Oo La Kulmay Xubno Matalayay Xisbiyada Siyaasadeed Ee Dalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
DAAWO: Guddomiye Jawaari oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Xildhibaan Xaabsade
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa ku qaabilay xubno metelayey Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira kuwaasoo uu kala hadlay dhameystirka sharciga lagu dhisayo xisbiyada siyaasadeed ee dalka.

Kulankan uu ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” la qaatay xubnahan metelayey Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ayaa ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaana intii uu socday looga hadlay muhiimadda uu leeyahay sharciga lagu dhisayo xisbiyada Siyaasadeed ee dalka oo ka mid ah howlaha laga sugayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

C/laahi Sheekh Daahir iyo Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo u hadlay xubnaha metelayey Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ayaa ka dalbaday Guddoonka Baarlamaanka iney dedejiyaan sharciga lagu dhisayo Xisbiyada siyaasadeed ee dalka iyo Xisbiyada hada jira fursad loo siiyo ka qeybgalka shirarka looga hadlayo masiirka umadda Soomaaliyeed.

Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa u sheegay xubnaha uu la kulmay in sharciga lagu dhisayo Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka uu soo diyaariyey Guddi hoosaad ka tirsan Baarlamaanka islamarkaana loo gudbiyey Golaha Wasiirrada oo hada lagu dhowrayo, Guddoonka iyo Baarlamaankana ay muhiimad gaar u leedahay sameynta sharcigan.

 

Previous Post

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xafiisyo cusub ka furan doonto goobaha laga saaray Al-Shabaab

Next Post

Madaxweyne Xasan oo la kulmay dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta

Next Post
Madaxweynaha: “Baaritaan ayaa lagu sameyn doonaa weerarkii argagixiso ee magaalada Kismaayo’’

Madaxweyne Xasan oo la kulmay dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In