Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku Simaha Madaxweynaha Dalka Oo Ka Qeyb Galay Munaasabad Lagu Soo Gabagabeynayay Todobaadka Dhir Beerista Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha Baarlamaanka “Haweenka Soomaaliyeed Waan Ku Ammaanayaa Doorka Siyaasadda Iyo Hormarka Dalka Ku Leeyihiin” VIDEO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladani lagu soo gaba gabeynayay todobaadka dhir Beerista Soomaaliya oo ay  ka qeyb galeen  guddoomiyaha Baarlamaanka jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ahna ku simaha madaxweynaha dalka , wasiirka dastuurka ahna ku simaha Ra’isul wasaaraha dalka, wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaanno Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan,wasiiro ka socday qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira, Xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, Ururka Haweenka Qaranka, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, iyo haween ka kala soday qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Hobolada Fanaaniinta Qaranka ee Waaberi ayaa inta ay xafldani socotay waxa ay soo bandhigeen suugaan iyo riwaayado ka turjumayay qiimaha 17-ka  April ay u leedahay dalka iyo dadka iyo sidoo kale dhibaatada ay jerista dhirtu leedahay.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir iyo guddoomiyaha ururka haweenka qaranka soomaaliyeed Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa si wadajir ah u ugu baaqay in qof walbo Oo soomaali ah uu ka qeyb qaato beerista dhirta.

Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland C/raxmaan Sheekh Axmed oo ku hadlayay magaca madaxdii ka socotay maamul goboleedyada dalka ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay dareemeen xanuunka ay leedahay In dhirta la jaro.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha Soomaaliya ayaa ku baaqay In laga wada qeyb qaato soo celinta dhirta Soomaaliya si aysan nabaad guur u dhicin.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha dirta iyo daaqa ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna ku simaha wasiiirka ayaa sheegay in wasaaradooda ay go’aansatay in shacabka Soomaaliyeed dareensiiyaan in ay tahay laf dhabarta bulshada.

Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Xasan ‘’ Nuux’’ ayaa sheegay in maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku began 15-ka May wasaaradiisu ay hal saac ka mid ah maalintaas gelin doonto beerista dhirta.

Wasiirka dastuurka Soomaaliya ahna ku simaha Ra’isul wasaaraha dalka Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la joogteeyo dhir beerista si looga baxo dhibaatooyinkii jarsita dhirta laga dhaxlay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ahna ku simaha madaxweynaha dalka mudane Maxamed Sheikh Cismaan jawaari oo xafladda soo gaba gabeeyay ayaa sheegay in dadka ku howlan in si micno daro ah u jaraan dhirta Soomaaliyeed ay la mid yihiin kuwa cadowga ah ee u taagan leynta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Previous Post

Beesha Caalamka oo Soo Dhaweysay Furitaanka Shirka Maamul u Sameynta Gobolada Dhexe

Next Post

Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dhibaatada Dadka Soomaaliyeed Ay Kala Kulmaan South Africa

Next Post

Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dhibaatada Dadka Soomaaliyeed Ay Kala Kulmaan South Africa

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In