Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku Simaha Madaxweynaha Dalka Oo Ka Qeyb Galay Munaasabad Lagu Soo Gabagabeynayay Todobaadka Dhir Beerista Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha Baarlamaanka “Haweenka Soomaaliyeed Waan Ku Ammaanayaa Doorka Siyaasadda Iyo Hormarka Dalka Ku Leeyihiin” VIDEO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladani lagu soo gaba gabeynayay todobaadka dhir Beerista Soomaaliya oo ay  ka qeyb galeen  guddoomiyaha Baarlamaanka jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ahna ku simaha madaxweynaha dalka , wasiirka dastuurka ahna ku simaha Ra’isul wasaaraha dalka, wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaanno Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan,wasiiro ka socday qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira, Xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, Ururka Haweenka Qaranka, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, iyo haween ka kala soday qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Hobolada Fanaaniinta Qaranka ee Waaberi ayaa inta ay xafldani socotay waxa ay soo bandhigeen suugaan iyo riwaayado ka turjumayay qiimaha 17-ka  April ay u leedahay dalka iyo dadka iyo sidoo kale dhibaatada ay jerista dhirtu leedahay.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir iyo guddoomiyaha ururka haweenka qaranka soomaaliyeed Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa si wadajir ah u ugu baaqay in qof walbo Oo soomaali ah uu ka qeyb qaato beerista dhirta.

Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland C/raxmaan Sheekh Axmed oo ku hadlayay magaca madaxdii ka socotay maamul goboleedyada dalka ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay dareemeen xanuunka ay leedahay In dhirta la jaro.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha Soomaaliya ayaa ku baaqay In laga wada qeyb qaato soo celinta dhirta Soomaaliya si aysan nabaad guur u dhicin.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha dirta iyo daaqa ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna ku simaha wasiiirka ayaa sheegay in wasaaradooda ay go’aansatay in shacabka Soomaaliyeed dareensiiyaan in ay tahay laf dhabarta bulshada.

Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Xasan ‘’ Nuux’’ ayaa sheegay in maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku began 15-ka May wasaaradiisu ay hal saac ka mid ah maalintaas gelin doonto beerista dhirta.

Wasiirka dastuurka Soomaaliya ahna ku simaha Ra’isul wasaaraha dalka Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la joogteeyo dhir beerista si looga baxo dhibaatooyinkii jarsita dhirta laga dhaxlay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ahna ku simaha madaxweynaha dalka mudane Maxamed Sheikh Cismaan jawaari oo xafladda soo gaba gabeeyay ayaa sheegay in dadka ku howlan in si micno daro ah u jaraan dhirta Soomaaliyeed ay la mid yihiin kuwa cadowga ah ee u taagan leynta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Previous Post

Beesha Caalamka oo Soo Dhaweysay Furitaanka Shirka Maamul u Sameynta Gobolada Dhexe

Next Post

Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dhibaatada Dadka Soomaaliyeed Ay Kala Kulmaan South Africa

Next Post

Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dhibaatada Dadka Soomaaliyeed Ay Kala Kulmaan South Africa

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In