Thursday, November 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha Madaxweynaha dalka oo qaabilay ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Ku-simaha Madaxweynaha dalka oo qaabilay ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) xafiiskiisa kulan kula qaatay ergayga gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.

Ergayga ayaa ugu horeyn Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka uga mahadceliyay howlaha la xiriira sameynta shuruucda muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya, waxaa uuna si gaar ah u amaanay shaqada laga qabtay dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka iyo guulihii laga gaaray shirarka Golaha Wadatashiga Qaran.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

November 13, 2025
Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

November 13, 2025

Ergayga gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa sidoo kale soo dhoweeyay qorshaha dowladda Soomaaliyeed ee ah in dalka looga qabto doorasho qof iyo cod ah.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay xafiiska ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya taageerada ay mar walba la garab taaganyihiin dadka Soomaaliyeed, waxaa uuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siineyso in dalka ay ka dhacdo doorasho qof igo cod ah, si dadka Soomaaliyeed talada gacantoodu loogu celiyo islamarkaana ay hogaankooda u doortaan.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Slovenia

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasime Marwo Dr Hanan Balkhy

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasime Marwo Dr Hanan Balkhy

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasime Marwo Dr Hanan Balkhy

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

November 13, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow...

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

November 13, 2025
0

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada...

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

November 13, 2025
0

Munaasabadda dhagax-dhigga masaajidka cusub ee laga dhisayo Taliska Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiisyo is-afgarad ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga .

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiisyo is-afgarad ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga .

November 13, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ansixiyey heshiisyo Is-afgarad ah oo u dhexeeya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In