Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo kormeeray Saldhigga Booliska degmada Warta Nabadda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo kormeeray Saldhigga Booliska degmada Warta Nabadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqasho ku tagay Saldhiga Degmada Warta Nabadda oo ay shalay ka dhacday shaqaaqo khasaare geysatay.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa saraakiishii goobta kusoo dhoweysay oo ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Asad Cusmaan Cabdullaahi, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Saldhiga Degmada Warta Nabada, waxa ay warbixin ka siiyeen shaqaaqadii shalay ka dhacday Saldhiga Degmada Warta Nabadda.

Related posts

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Saldhigga Degmada Warta Nabadda warbaahinta kula hadlay ayaa marka hore sheegay in dowladda ay ka xuntahay falkii foosha xumaa ee lagula dhaqmay Aabihii waayeelka ahaa iyo hooyooyinkii lagu dhibaateeyay Suuqa Siinaay, isagoo saraakiisha Booliiska iyo guud ahaan laamaha amniga uga mahadceliyay kuna amaanay talaabadii ay ka qaadeen dadkii arintaasi dambeeyay.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in dowladda ay aad uga xuntahay dhacdadii shaqaaqada ahayd ee shalay ka dhacday Saldhiga Degmada Warta Nabadda, wuxuuna laamaha amaanka uga mahadceliyay sida ay u xakameeyeen.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdadii shalay dhacday in ay soo abaabuleen siyaasiyiin xilal kala duwan dalka ka soo qabtay, isagoo ka digay in ay arintaas mar kale soo laabato.

Ugu dambeyn waxaa uu hay’adaha garsoorka ee dalka faray in cadaaladda la marsiiyo shaqsiyaadkii ka dambeeyay dhibaatadii shalay ka dhacday Suuqa Siinaay si ay cadaalad u helaan dadkii dhibaatadda loo geystay oo uu ka mid yahay Aabihii waayeelka ahaa.

 

Previous Post

Golaha Wasiirada oo meel mariyay sharciyo muhiim u ah dalkeenna

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Dadka Rayidka ah ee Xilliyada Colaadaha

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Dadka Rayidka ah ee Xilliyada Colaadaha

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Dadka Rayidka ah ee Xilliyada Colaadaha

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii Diseembar 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah khawaarijta, kaas oo ka dhacay...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

December 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay...

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

December 21, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta isbitaalka Digfeer ku booqday dadkii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In