Saturday, March 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo kormeeray Saldhigga Booliska degmada Warta Nabadda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 months ago
in Wararka
0
Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo kormeeray Saldhigga Booliska degmada Warta Nabadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqasho ku tagay Saldhiga Degmada Warta Nabadda oo ay shalay ka dhacday shaqaaqo khasaare geysatay.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa saraakiishii goobta kusoo dhoweysay oo ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Asad Cusmaan Cabdullaahi, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Saldhiga Degmada Warta Nabada, waxa ay warbixin ka siiyeen shaqaaqadii shalay ka dhacday Saldhiga Degmada Warta Nabadda.

Related posts

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

March 21, 2026

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Saldhigga Degmada Warta Nabadda warbaahinta kula hadlay ayaa marka hore sheegay in dowladda ay ka xuntahay falkii foosha xumaa ee lagula dhaqmay Aabihii waayeelka ahaa iyo hooyooyinkii lagu dhibaateeyay Suuqa Siinaay, isagoo saraakiisha Booliiska iyo guud ahaan laamaha amniga uga mahadceliyay kuna amaanay talaabadii ay ka qaadeen dadkii arintaasi dambeeyay.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in dowladda ay aad uga xuntahay dhacdadii shaqaaqada ahayd ee shalay ka dhacday Saldhiga Degmada Warta Nabadda, wuxuuna laamaha amaanka uga mahadceliyay sida ay u xakameeyeen.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdadii shalay dhacday in ay soo abaabuleen siyaasiyiin xilal kala duwan dalka ka soo qabtay, isagoo ka digay in ay arintaas mar kale soo laabato.

Ugu dambeyn waxaa uu hay’adaha garsoorka ee dalka faray in cadaaladda la marsiiyo shaqsiyaadkii ka dambeeyay dhibaatadii shalay ka dhacday Suuqa Siinaay si ay cadaalad u helaan dadkii dhibaatadda loo geystay oo uu ka mid yahay Aabihii waayeelka ahaa.

Previous Post

Golaha Wasiirada oo meel mariyay sharciyo muhiim u ah dalkeenna

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Dadka Rayidka ah ee Xilliyada Colaadaha

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Dadka Rayidka ah ee Xilliyada Colaadaha

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Dadka Rayidka ah ee Xilliyada Colaadaha

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden, Cabdikarin Axmed Maxamed, ayaa toddobaadkan waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb....

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026 Read here..... 1- President Hassan Sheikh Mohamud...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul Ftriga kula tukadey degaanka Gendershe Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo...

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In