Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay muhiimmadda ay leedahay dejinta siyaasadda, daryeelka barakacayaasha iyo Qaxootiga

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay muhiimmadda ay leedahay dejinta siyaasadda, daryeelka barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed ( Khader) oo maanta furay Mashruuca taageerada horumarka iyo dhaqan gelinta siyaasado lagu Daryeealyo Qaxootiga dalka kusoo laabanaya iyo Barakacaasha gudaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga wada tashado sidii xal waara loogu heli lahaa siyaasad mideysanna looga yeelan lahaa arimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha.

“Qof kasta oo Soomaali ah waxa uu noqday Qaxooti ama Barakece. Waa fududdahay in dhibkii kugu dhacay aad ka hadasho kadibna aad qeyb ka noqoto xalka iyo sida loogu heli karo siyaasadda ugu habboon ee daryeelka Baracayaasha iyo qaxootiga soo laabanaya”, ayuu yiri ku-simaha Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda ayaa sheegay in ay sameynta siyaasadda ay saldhig u yihiin Dawlad gobaleedyada iyo maamulka Gobalka Banaadir maadaama barakacayaashu ay kula suganyihiin goballada dalka, Qaxootiga soo laabanaya ay deegaansanayaan goballada.

Waxa uu sheegay ku-simaha Ra’iisul Wasaaruhu in Colaadaha, Abaaraha iyo Daadadku ay kamid yihiin Sababaha keena Barakaca, ayna tahay in qorshaha lagu daro sidii loo yareyn lahaa dhamaan waxyaabaha laga dhaxlo barakaca.

“Siyaasadda Daryeelka Barakacayaasha iyo Qaxootiga kusoo laabanaya dalka waa Masuuliyad qaranka Saaran si gaar ahna u saaran Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir. Waa laga maarmaan in aan isla fahamno daryeelka, xuquuda iyo waxyaabaha aasaasiga u ah”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya.

Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa sheegay in Ku dhawaad 2.6 milyan oo Soomaali ah ay barakac ku yihiin gudaha dalka sidoo kale 1.1 milyan oo Qaxooti Soomaaliyeed ah ay ku suganyihiin guud ahaan caalamka ayna lagama maarmaan tahay in siyaasadda lagu daryaalayo la meel mariyo si tacaddiyada ay la kulmaan meesha looga saaro.

Previous Post

Itoobiya oo mar kale Gogol nabadeed u fidisay Dowladda iyo mucaaradka koofurta Suudaan

Next Post

Wasiirka Caddaaladda oo kormeeray xarun lagu dhaqanceliyo dhalinyarada ka timid Shabaab

Next Post
Wasiirka Caddaaladda oo  kormeeray xarun lagu dhaqanceliyo dhalinyarada ka timid Shabaab

Wasiirka Caddaaladda oo kormeeray xarun lagu dhaqanceliyo dhalinyarada ka timid Shabaab

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In