Saturday, March 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha R/wasaaraha”Shirka waxaan hor dhignay siyaasadda amniga qaranka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Ku-simaha R/wasaaraha”Shirka waxaan hor dhignay siyaasadda amniga qaranka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan ku saabsan horumarinta amniga oo uu shir guddoominayay Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayna ka qeyb galeen Wasiirkada Difaaca iyo Maaliyadda ee Xukumadda, taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, xubno ka socday dowlad goboleedyada dalka, safiirada Midowga Yurub, Mareykanka, Britain, Talyaaniga, Turkiga iyo diblomaasiyiin  kale, ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, kaasi oo diiradda lagu saaray horumarada xagga amniga ah ee ka jirta Soomaaliya.

Kulanka oo ah mid bile ah ayaa inta uu socday waxaa ay dowladda Soomaaliya ku soo bandhigtay siyaasadda amniga Qaranka, iyadoo wakiilada beesha caalamka ee shirka ka qeybgalay ay aad ugu riyaaqeen hanaanka siyaadadda amniga Qaranka ee uu soo bandhigay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

March 14, 2026
Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay  Dable NISA Mukhtaar Shakuur

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay Dable NISA Mukhtaar Shakuur

March 14, 2026

Ku-simaha Ra’iisul wasaaraah Mudane Maxamed Cumar Carte oo la hadlay Warbaahinta Qaranka kulanka kadib ayaa sheegay in shirka la isku soo hadal qaaday sidii loo tayayn lahaa ciidamada qalabka sida, gaar ahaan xoogga dalka iyo ciidanka badda.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa hoosta ka xariiqay in shirka ay hor dhigeen siyaasadda Amniga Qaranka, taasi oo sahleysa in horumar wanaagsan laga gaaro amniga, isla markaana guud ahaan dalka laga ciribtiro maleeshiyada Al-Shabaab.

Dhanka kale Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte oo uu wehliyo Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya waxa ay kormeer howleed ku tegeen dekada Caalamiga ah ee Muqdisho, halkaasi oo shalay ay saameysay mowjado badda ka yimid, waxaana ay warbixino ka dhageysteen maareeyaha dekadda oo madaxda u sharxay sida ay u saameysay dabeylihii shalay ka kacay dekadda Muqdisho,

Previous Post

Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiis ku aaddan ganacsiga

Next Post

R/wasaare ku xigeenka oo ku amray hey’adaha ammaanka iney bur buriyaan shabakadaha dadka tahriibiya

Next Post
R/wasaare ku xigeenka oo ku amray hey’adaha ammaanka iney bur buriyaan shabakadaha dadka tahriibiya

R/wasaare ku xigeenka oo ku amray hey'adaha ammaanka iney bur buriyaan shabakadaha dadka tahriibiya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

March 14, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa casuumaad afur-sharafeed ah ku maamuusay Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay...

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay  Dable NISA Mukhtaar Shakuur

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay Dable NISA Mukhtaar Shakuur

March 14, 2026
0

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka Marxuum Fatxi Cabdullahi Cabdi oo dhacay Taariikhdu markii ay aheyd Lix...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

March 14, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta hay’adda ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada...

DAAWO: Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlaya abaaraha dalkeenna

DAAWO: Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlaya abaaraha dalkeenna

March 14, 2026
0

Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle oo sheegay in dagaallada ka socda Bariga Dhexe ay kaga sii dareen xaaladdii abaarta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In