Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku xigeenka duqa Muqdisho oo ka hadlay sugidda amniga gobolka Banaadir

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Ku xigeenka duqa Muqdisho oo ka hadlay sugidda amniga gobolka Banaadir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in saacadihii u dambeeyay dad uu ku sifeeyay in a y colaadda ku naaxaan ay ku baaqayeen in dhibaato laga huriyo caasimadda Muqdisho.

Waxaa uu xusay in wax colaad ama amni daro ah aysan ka jirin Muqdisho isla markaana ciidamada ammaanka ay heegan ugu jiraan habeen iyo maalin xaqiijinta nabad geliyadda shacabka ku nool gobolka Banaadir.

Related posts

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026

Guddoomiye Cali Yare, ayaa u mahad celiyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo u caqli celiyay dhalinyaro sida uu sheegay loo abaabulay hurin colaadeed oo siyaasiyiin danley ahi gedaal ka taagan yihiin.

“Waxaan halkaan ugu mahad celinayaa madaxweynaha Galmudug… oo u caqli celiyay dhalinyaradii la doonayay in dhiigooda laga dhex abuuro fursad siyaadadeed, haatana si nabdoon oo xilkasnimo iyo xikmad leh ugu celiyay aqaladooda,” ayuu yiri Cali Yare.

Cali yare oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray, in siyaasiyiinta looga baahan yahay in aysan amniga siyaasadeynin maadaama amniga uu yahay wax ummadda wada leedahay oo qof kastaana uusan ka maarmin.

“Waa dhaqan lagu yaqaano Alshabaab iyo argagaxiso in ilmaha la fogeysto ilmo kale oo Soomaaliyeedna lagu goobaabiyo in ay colaad galaan,”.

Guddoomiye Cali Yare, ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ugu mahad celinayo wada shaqeynta joogtada ah oo ay la leeyihiin laamaha ammaanka gobolka Banaadir.

Previous Post

Ciidanka xoogga dalka oo dhaq dhaqaaq ka wada gobolka Mudug

Next Post

Tirada dhimashada qaraxii shalay ka dhacay Gololey oo korortay

Next Post
Roadside bomb kills 17 civilians in Middle Shabelle region .

Tirada dhimashada qaraxii shalay ka dhacay Gololey oo korortay

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In