Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku xigeenka duqa Muqdisho oo ka hadlay sugidda amniga gobolka Banaadir

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Ku xigeenka duqa Muqdisho oo ka hadlay sugidda amniga gobolka Banaadir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in saacadihii u dambeeyay dad uu ku sifeeyay in a y colaadda ku naaxaan ay ku baaqayeen in dhibaato laga huriyo caasimadda Muqdisho.

Waxaa uu xusay in wax colaad ama amni daro ah aysan ka jirin Muqdisho isla markaana ciidamada ammaanka ay heegan ugu jiraan habeen iyo maalin xaqiijinta nabad geliyadda shacabka ku nool gobolka Banaadir.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Guddoomiye Cali Yare, ayaa u mahad celiyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo u caqli celiyay dhalinyaro sida uu sheegay loo abaabulay hurin colaadeed oo siyaasiyiin danley ahi gedaal ka taagan yihiin.

“Waxaan halkaan ugu mahad celinayaa madaxweynaha Galmudug… oo u caqli celiyay dhalinyaradii la doonayay in dhiigooda laga dhex abuuro fursad siyaadadeed, haatana si nabdoon oo xilkasnimo iyo xikmad leh ugu celiyay aqaladooda,” ayuu yiri Cali Yare.

Cali yare oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray, in siyaasiyiinta looga baahan yahay in aysan amniga siyaasadeynin maadaama amniga uu yahay wax ummadda wada leedahay oo qof kastaana uusan ka maarmin.

“Waa dhaqan lagu yaqaano Alshabaab iyo argagaxiso in ilmaha la fogeysto ilmo kale oo Soomaaliyeedna lagu goobaabiyo in ay colaad galaan,”.

Guddoomiye Cali Yare, ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ugu mahad celinayo wada shaqeynta joogtada ah oo ay la leeyihiin laamaha ammaanka gobolka Banaadir.

Previous Post

Ciidanka xoogga dalka oo dhaq dhaqaaq ka wada gobolka Mudug

Next Post

Tirada dhimashada qaraxii shalay ka dhacay Gololey oo korortay

Next Post
Roadside bomb kills 17 civilians in Middle Shabelle region .

Tirada dhimashada qaraxii shalay ka dhacay Gololey oo korortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In