Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku xigeenka Taliyaha Ciidamada Booliska AMISOM Oo Kismaayo Kulan Kula Qaadatay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Jubbaland “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ku xigeenka Taliyaha Ciidamada Booliska AMISOM Oo Kismaayo Kulan Kula Qaadatay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Jubbaland “Sawirro”

?????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku xigeenka taliyaha ciidamada booliska AMISOM Ms. Christine Alalo oo shalay gilinkii dambe gaartay magaalada Kismaayo ayaa kulan la qaaday xubno ka tirsan maamulka Jubbaland, iyagoo ka wada hadlay arrimo kale duwan.

Ms. Christine Alalo ayaa kulan kula qaadatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Faarax iyo saraakiisha ciidamada, iyagoo ka wada hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira amniga deegaanada Jubooyinka iyo gedo, iyo sidii wada shaqeyn wanaagsan ay u dhex mari laheyd.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Inta kulanka uu socday ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka AMISOM gaar ahaan qeybta Boliiska iyo Jubbaland iyo Kaalinta ay ka qaadan karaan dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada ammaanka ee u qidmeynaya bulshada.

Intaasi kaddib madaxdani booqdeen xarun cuusb oo lagu tababari dooono booliska oo laga hirgeliyay duleedka garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, halkaasoo ay ku xareysanyihiin ciidamo qeyb ka noqon doona booliska Jubbaland.

Ku xigeenka taliyaha booliska AMISOM ayaa kormeertay dhammaan qeybaha ay ka koobantahay xarunta, iyadoo warbixinno ku aadan baahida ka jirta halkaasi ka dhageysatay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Jubbaland.

Wasiirka oo warbaahinta la hadlay kadib markii ay soo idlaatay booqasha ayaa sheegay in madaxda AMISOM ay kala hadleen sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeen dhismaha booliska Jubbaland, isagoo sheegay in ay isla garteen in mudo laba isbuuc gudahood ah lagu bilaabo tababarka ciidanka.

Ms. Christine Alalo ayaa dhankeeeda sheegtay in ay aad usoo dhaweeynayaan dadaallada dib loogu dhisayo ciidamada booliska ee ay wadaan madaxda Jubbaland, iyadoo sheegtay in ay kaalin muuqata ka qaadan doonaan dhismaha booliska islamarkaana ay si deg deg ah ugu soo dhameystiri doonaan dhammaan waxyaalaha ay u baahanyihiin ciidamada uu tababarka u furmi doono.

?????????????????????????
?????????????????????????
?????????????????????????
?????????????????????????
?????????????????????????
?????????????????????????
?????????????????????????
?????????????????????????
?????????????????????????
?????????????????????????
?????????????????????????
?????????????????????????
?????????????????????????
?????????????????????????

Xuquuqda Sawiradani Waxaa Iska Leh Hiiraan Online

Previous Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Daawo Sawirada:- 25 Sano Kaddib oo dib loo furay Safaaraddii Soomaaliya ee Ciraaq

Next Post
Daawo Sawirada:- 25 Sano Kaddib oo dib loo furay Safaaraddii Soomaaliya ee Ciraaq

Daawo Sawirada:- 25 Sano Kaddib oo dib loo furay Safaaraddii Soomaaliya ee Ciraaq

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In