Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan Afur ah oo loo Sameeyay jaaliyadda ku nool magaalada Cape Town

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Kulan Afur ah oo loo Sameeyay jaaliyadda ku nool magaalada Cape Town
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
Kulankaan oo ahaa mid afur ah ayaa waxaa loo sameeyay jaaliyadaha Muslimiinta ah ee ku nool magaalada Cape Town ee dalka South Africa waxaana soo agaasimay qaar ka mid ah ganacsatada iyo dhalinyarada Muslimiinta ee ku nool magaalada Cape Town.
Waxaaa soo xaadiray dad ka kala socday in ka badan 22 dal oo muslimiin ah oo isugu jira dalalka Africa iyo Asia waxaana dal walba dadka ka socday ay goobta kusoo bandhigeen isla markaana ay keeneen raashinada dhaqan ahaan dalalkooda laga cuno xilliyada afurka iyo cunooyin kale duwan ayada looga go lahaa isdhaxgal iyo waliba isbarasho bulshooyinka ku kala duwan dhaqan iyo dalal lakiin wada heysta diinta islaamka loo sameynayo.
Shacabka Soomaalida ee ku nool magaalada Cape Town qaar ka mid ah ayaa goobtaasi xaadiray waxaana ay keeyeen raashin iyo waliba cuooyin fudfud ayada oo ay qeyb ka ahaayeen bulshada Muslimiinta ah ee goobtaasi isugu timid.
Raqib Rajeed oo ka mid ah ganacsatada Muslimiinta ah ee kasoo jeeda dalka South Africa isla markaana xubin ka ah gudiga afur wadareedkaan soo agaasimay ayaa sheegay in muhimada laga leeyahay ay tahay bulshada Muslimiinta ah ee ku nool magaalada Cape Town ay is bartaan barnaamijyada isdhaxgalka ee noocaani oo kale ahna ay sii wadi doonaan.
Maxamed Cali oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ka qeybgalay kulankaan ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in howlaha noocaani ah bulshada Soomaaliyeed ay wax badan ka Faa’idi Kaaraan.
“Runtii Barnaamijyada noocaani ah waa kuwo bulshadeena ay wax badan ka Faa’idi karaan loona baahan yahay casharo badan laga qaato si looga faa’iideysto”
U qaabilsanaha safaarada Soomaaliya ee dalka Koofur Africa magaalada Cape Town Cabdulaahi Cali Xasan Β oo ka mid ah gudiga shaqadaan aas aaskeeda wax ka lahaa ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed loo baahan yahay in ay Xariir Wanaagsan la Sameystaan Muslimiinta ku nool dalka South africa.
“Soomaalida halkaan joogta waxaa looga baahan yahay in ay xariir wanaagsan la sameystaan muslimiinta Magaalada Cape Town si loo dhiso xariir wada shaqeyn ah oo dhax mara bulshooyinka’
Kulamada noocaani ah oo la doonayo in ay isku bartaan isdhaxgal bulshana loo sameeyo ajaanibta muslimiinta ah iyo kuwa u dhashay dalka South africa kuna wada nool magaalada Cape Town ayaa hada bilow ah waxaana la filayaa in kulamada noocaani ah lasii badiyo .
Previous Post

Duqa Muqdisho oo dhir ku beeray waddada Maka Al-mukarama+Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare Cumar β€œWasiir Burci Wuxuu ka dhintay qaranka Soomaaliyeed isagoo hawshiisa gudanaya”

Next Post
Ra’isul wasaaraha Xukuumadda oo cambaareeyay weerarka hotel ambbassidor

Ra’iisul Wasaare Cumar β€œWasiir Burci Wuxuu ka dhintay qaranka Soomaaliyeed isagoo hawshiisa gudanaya”

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In