Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan baroor diiq ah oo Muqdisho lagu qabtay

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Kulan baroor diiq ah oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo ka dhacay xarunta degmada Waabari ee gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta ka qayb galay marwada madaxweynaha Jamhuuriyadda marwo Sahro Cumar Xasan sidoo kale waxaa ka qayb galay gudoomiyaha degmada Xaawa kiin Maxamuud Cali iyo gudoomiyaha haweenka gobolka Jawaahir Baarqab waxaana ka qayb galay ururrada haweenka qaar ka mid ah degmooyinka gobolka.

Ujeedka isu imaatinkaan ayaa ahaa in la xasuusto dadkii ku dhintay qarax kooxaha argagixisada ah ay la beegsadeen haween nadaafada ka shaqeynayay wadada Maka al Mukarama sanadkii 2008 dii halkaa oo ay ku geeriyoodeen dad gaaraya 15 ruux oo haween masaakiin ah u badnaa, waxaana ka soo qayb galay qaar ka mid ahaa haweenkii ku dhaawacmay iyo carruur iyana ku waayay qaraxaas bahalnimada ah hooyadii dhashay .

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Qaar ka mid ah gudoomiyaasha ururada haweenka degmooyinka gobolka sida Waabari Hodan iyo Howlwadaag ayaa ka hadlay kulanka waxaana ay codsadeen in taageero loo muujiyo dadkii dhibku halkaa ka soo gaaray .

Gudoomiyaha degmada Waabari Xaawa kiin Maxamuud Cali iyo gudoomiyaha haweenka gobolka Jawaahir Baarqab ayaa iyana ka hadlay kulanka waxaana ay adkeeyeen in muhiimada ugu weyn ee isku imaatinka ay tahay in laga warqabo dadkii dalka iyaga oo u shaqeynaya dhibaatadu gaartay.

Ugu Dambeyntii ayaa waxaa ka hadlay kulanka marwada madaxweynaha dalka marwo Sahro Cumar Xasan waxaana ay alaah uga barisay dadkii dhintay in uu u naxariisto kuwa dhaawaca wali la jiifana uu caafiyo waxaana ay u balan qaaday in waxii loo awoodo aan laga reeban doonin dadkaas.

Previous Post

Ku simaha madaxweynaha dalka oo kulan la yeeshay saraakiisha booliiska

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In