Thursday, February 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan casho ah oo loo sameeyay dhallinyarada ka qeyb gashay shirkii lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
DAAWO-Banaanbax looga soo horjeedo Sawir Gacmeedyo lagu aflagaadeeyay Nabi Muxamed NNKH oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan casho ah oo looga gol lahaa dhiiragalinta iyo soo dhaweynta Dhallinyarada ka socotay Gobolada Dalka ee ka qeyb galay shirka dhalinyarada Qaranka ee lagu soo gabagabeyay magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu qabtay caasimadda.

Kulanka oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka dhallinyarada iyo Isboortiga Mudane Cabdullaahi Xasan Nuux, Wasiirka Caafimaadka Drs Xaawo Xasan Maxamed, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur, Guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee baarlamaanka Xildhibaan Dr Cismaan Maxamed Maxamuud Dufle, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, qaar ka mid ah dhallinyaradii ka qeyb gashay shirkii dajinta siyaasad Qaran ee dhallinyarada ee lagu soo gabo gabeeyay Muqdisho.

Related posts

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 19, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

February 18, 2026

Qaar ka mid ah dhallinyarada oo kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay inay ku faraxsanyihin casho sharafta loo sameeyay, waxaana ay dhankooda balan qaadeen inay gacan ka geysan doonaan aragti lagu dajinayo siyaasad qaran oo ay yeeshaan dhallinta Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Xildhibaan Cismaan Maxamed Maxamuud Dufle oo ka mid ahaa madaxda lagu casuumay shirka ayaa ka codsaday dhallinta waxbaratay ee qurba joogta ah in ay dalkooda uga faa’ideyaaan waxa  ay barteen

Wasiiru dowladda Wasaaradda maaliyada Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur oo cashada u sameyay dhallintaan ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa mid lagu dhiiri gelinayo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Mudane Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa sheegay in Wasaaradda dhalinyarada ay soo dhaweyneyso aragtida dhallinyarada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, waxaana uu intaa ku daray in qodobadii ka soo baxay shirka dajinta siyaasadda Qaran ee dhallinyarada lagu dabaqi doono hindise sharciyeedka siyaadda dhallinyarada Qaranka ee ay diyaarisay Wasaaradda.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan oo balan qaaday in uu ka shaqeyn doono cadaaladda

Next Post
Madaxweynaha oo gudoomiyaha gobolka Hiiraan u magacaabay Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan oo balan qaaday in uu ka shaqeyn doono cadaaladda

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 19, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

February 18, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si rasmi ah caawa u daah-furay tartan...

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

February 18, 2026
0

Senator Xasan Iidow Muxumed Kobac ayaa deeq raashiin afur ah u qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool Gobolka Banaadir,...

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

February 18, 2026
0

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdillahi Bidhan Warsame, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In