Kulan ciyaareed xiiso badan oo lagu soo dhaweynaayo Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud looguna diyaar garoobayo tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa dhex maray kooxaha BCC iyo Baydhabo
Daawashada ciyaartaan ayaa waxaa ka qeyb galay kumanaan qof oo masuuliyiin iyo shacab isugu jira.
Ciyaartan xiisaha leh oo la isla gaaray Gool-ku laadyo ayaa waxaa ku guulaystay kooxda BCC iyadoo Wasiir Maxamed Barre Maxamuud uu wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Koonfur Galbeed mudane Salmaan Cali Ku Boggaadiyay abaabulka iyo diyaar garowga intaas leโeg ee muddada kooban lagu sameeyay.
Masuuliyiin ka tirsan laamaha dowladda ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa goob joog ka ahaa daawashada ciyaartan.