Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan dhiiri gelin ah loo soo sameeyay kooxaha fanka ee banaadir iyo Iftin “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Kulan dhiiri gelin ah loo soo sameeyay kooxaha fanka ee banaadir iyo Iftin “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan lagu dhiira galinayay kooxaha dhaqanka iyo sugaanta  ee Banaadir Band iyo Iftin Band oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu qabtay gudaha Wasaaradda Warfaafiinta, ayadoo ay  ka qaybgaleen Wasiirka wasaarada warfaafinta, Wasiir ku-xigeenka, agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, ururka haweenka Qaranka iyo bahda dhaqanka iyo sugaanta ee kooxaha Banaadir Band iyo Iftin Band.

Wasiir ku-xigeenka  Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble  ayaa sharaxay  ujeedka kulankaan maanta ay layeesheen kooxaha dhaqanka .

Related posts

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026

“Ujeedka aan idinkugu yeernay sida maama Canab ay sheegtay markaan aragnay dhallinyaro Soomaaliyeed oo iskood isku abaabulay runtii wax fiican wadaninimo ka shaqeeynaya, iyagoon abwaanadii Soomaaliyeed ay wadanka kala carareen, ayagoon dhaqaalo heeysan, iyagoo waxbaranyeen jooga, iyagoo duruufo badan ay jiraan, iyagoo kulabisan dharkii dhaqanka Soomaaliya, waxaa nafarxad galiyay inaan idiin yeerno oon idin dhahno waa mahadsantihin oon idin dhiira galino Wasaraduna weey idin garab tagan tahay hadii kor leydin ka eegan jiray” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Dhalinta kasoctay kooxaha dhaqanka iyo sugaanta ee Banaadir Band iyo Iftin Band oo ka hadlay madasha ayaa wasaaradda uga mahad celiyay sida wanaagsan oo ay isku garabtaagtay, iyagoo sheegay in ay sii xoojin doonan sidii fanka iyo dhaqanka Soomaalida loo tayayn lahaa,  iyagoo dhanka kale ugudbiyay Wasiirka iyo Wasiir ku-xigeenka talooyin ku aadan tayaynta dhaqanka.

Ugu dambeeyn Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Mareeye oo gaba gabadii madasha ka hadlay ayaa sheegay in kooxahan latayayn doono oo loona qaban doono tartan dhaqameed ay kooxhani ku baratamaan.

“Waxaa weeye tartan adag aalaqaban doonaa, waqti kubeegan may be Ramadaan eey ku beegantahay lakiin een bacdul afur baan sameeyn doona, qoladii ku guuleeysata state house ka aa lagu marti qadaa Haweenka 1-da July, shahaadana waa lasiin waxaa weeye Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, Baarlamaanka aa jooga, qoladaas waxa ay awood u yeelan doontaa inay habeenkaas, Madaxtooyada ka tunto tartankana waxaa laqaban doona 26 June ama waqti kudhaw ayaa laqaban doona inta ka horeeydana kuligiin idin tuuri meeyno, tartanka waalaqabanayaa habeenkas ay halkaas katumee lakiin kooxaha kalana lagama tagi doono wacyigalintana weey idiin furantahay koxahaana waxaan isku dayi doonaa in aan kooxa kale ku lifaaqno.

Wasaarada Warfafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa wada qorshayaal iyo dadaallo ku aadan sidii loo horumarin lahaa dhaqanka iyo fanka Soomaaliyeed, islamarkaana barnaamijyo wacyi gelin ah ka waday gobolada Banaadir iyo shabeelooyinka.

IMG_0265 IMG_0266 IMG_0267 IMG_0269 IMG_0271 IMG_0272 IMG_0274 IMG_0275 IMG_0278 IMG_0280 IMG_0281 IMG_0284 IMG_0287 IMG_0288 IMG_0289 IMG_0290 IMG_0291 IMG_0295 IMG_0297 IMG_0302 IMG_0303 IMG_0304 IMG_0305 IMG_0307 IMG_0308 IMG_0309 IMG_0310 IMG_0311 IMG_0312 IMG_0313 IMG_0314 IMG_0315 IMG_0316 IMG_0318 IMG_0319 IMG_0322 IMG_0323 IMG_0324 IMG_0325 IMG_0326 IMG_0330 IMG_0332 IMG_0333 IMG_0334 IMG_0335

Sawir Qaade:- Qadar Cali Nuur

Previous Post

Wasiirka kaluumeysiga oo kulan la qaatay gudiga kaluumeysatada gobolka

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo Garoowe kula kulmay Michele Cervone.{SAWIRRO}

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo Garoowe kula kulmay Michele Cervone.{SAWIRRO}

Madaxweynaha Puntland oo Garoowe kula kulmay Michele Cervone.{SAWIRRO}

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026
0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In