Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan dhiiri gelin ah loo soo sameeyay kooxaha fanka ee banaadir iyo Iftin “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 8, 2015
in Wararka
0
Kulan dhiiri gelin ah loo soo sameeyay kooxaha fanka ee banaadir iyo Iftin “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan lagu dhiira galinayay kooxaha dhaqanka iyo sugaanta  ee Banaadir Band iyo Iftin Band oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu qabtay gudaha Wasaaradda Warfaafiinta, ayadoo ay  ka qaybgaleen Wasiirka wasaarada warfaafinta, Wasiir ku-xigeenka, agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, ururka haweenka Qaranka iyo bahda dhaqanka iyo sugaanta ee kooxaha Banaadir Band iyo Iftin Band.

Wasiir ku-xigeenka  Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble  ayaa sharaxay  ujeedka kulankaan maanta ay layeesheen kooxaha dhaqanka .

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

“Ujeedka aan idinkugu yeernay sida maama Canab ay sheegtay markaan aragnay dhallinyaro Soomaaliyeed oo iskood isku abaabulay runtii wax fiican wadaninimo ka shaqeeynaya, iyagoon abwaanadii Soomaaliyeed ay wadanka kala carareen, ayagoon dhaqaalo heeysan, iyagoo waxbaranyeen jooga, iyagoo duruufo badan ay jiraan, iyagoo kulabisan dharkii dhaqanka Soomaaliya, waxaa nafarxad galiyay inaan idiin yeerno oon idin dhahno waa mahadsantihin oon idin dhiira galino Wasaraduna weey idin garab tagan tahay hadii kor leydin ka eegan jiray” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Dhalinta kasoctay kooxaha dhaqanka iyo sugaanta ee Banaadir Band iyo Iftin Band oo ka hadlay madasha ayaa wasaaradda uga mahad celiyay sida wanaagsan oo ay isku garabtaagtay, iyagoo sheegay in ay sii xoojin doonan sidii fanka iyo dhaqanka Soomaalida loo tayayn lahaa,  iyagoo dhanka kale ugudbiyay Wasiirka iyo Wasiir ku-xigeenka talooyin ku aadan tayaynta dhaqanka.

Ugu dambeeyn Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Mareeye oo gaba gabadii madasha ka hadlay ayaa sheegay in kooxahan latayayn doono oo loona qaban doono tartan dhaqameed ay kooxhani ku baratamaan.

“Waxaa weeye tartan adag aalaqaban doonaa, waqti kubeegan may be Ramadaan eey ku beegantahay lakiin een bacdul afur baan sameeyn doona, qoladii ku guuleeysata state house ka aa lagu marti qadaa Haweenka 1-da July, shahaadana waa lasiin waxaa weeye Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, Baarlamaanka aa jooga, qoladaas waxa ay awood u yeelan doontaa inay habeenkaas, Madaxtooyada ka tunto tartankana waxaa laqaban doona 26 June ama waqti kudhaw ayaa laqaban doona inta ka horeeydana kuligiin idin tuuri meeyno, tartanka waalaqabanayaa habeenkas ay halkaas katumee lakiin kooxaha kalana lagama tagi doono wacyigalintana weey idiin furantahay koxahaana waxaan isku dayi doonaa in aan kooxa kale ku lifaaqno.

Wasaarada Warfafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa wada qorshayaal iyo dadaallo ku aadan sidii loo horumarin lahaa dhaqanka iyo fanka Soomaaliyeed, islamarkaana barnaamijyo wacyi gelin ah ka waday gobolada Banaadir iyo shabeelooyinka.

IMG_0265 IMG_0266 IMG_0267 IMG_0269 IMG_0271 IMG_0272 IMG_0274 IMG_0275 IMG_0278 IMG_0280 IMG_0281 IMG_0284 IMG_0287 IMG_0288 IMG_0289 IMG_0290 IMG_0291 IMG_0295 IMG_0297 IMG_0302 IMG_0303 IMG_0304 IMG_0305 IMG_0307 IMG_0308 IMG_0309 IMG_0310 IMG_0311 IMG_0312 IMG_0313 IMG_0314 IMG_0315 IMG_0316 IMG_0318 IMG_0319 IMG_0322 IMG_0323 IMG_0324 IMG_0325 IMG_0326 IMG_0330 IMG_0332 IMG_0333 IMG_0334 IMG_0335

Sawir Qaade:- Qadar Cali Nuur

Previous Post

Wasiirka kaluumeysiga oo kulan la qaatay gudiga kaluumeysatada gobolka

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo Garoowe kula kulmay Michele Cervone.{SAWIRRO}

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo Garoowe kula kulmay Michele Cervone.{SAWIRRO}

Madaxweynaha Puntland oo Garoowe kula kulmay Michele Cervone.{SAWIRRO}

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In