Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan howleed ku saabsana dib u eegista Dastuurka oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Kulan howleed ku saabsana dib u eegista Dastuurka oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, October 27, 2015——Kulan howleed ku aadanaa dib u eegista Dastuurka, kaasoo ay soo agaasintay Wasaaradda Dastuurka ayaa maanta lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa, waxaana kulankan goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna ku-simaha madaxweynaha Mudane Maxamed Sh. Cismaan “Jawaari”, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, Guddoomiyaha Maxkamadda sare Avv. Ceydiid Ilka-xanaf, Wasiirka Dastuurka Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, xildhibaano, Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Q/midoobay Amb. Nickolas Kay iyo weliba khubaro caalami ah oo ku xeel dheer arrimaha Dastuurka.

Ku-simaha madaxweynaha Mudane Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo kulanka furay ayaa sheegay in Dastuurkeena uu yahay Qabyo, loona baahan yahay in la dhameystiro, ayna u baahan tahay arrintaasi in si wada jir ah, talo iyo tusaale looga helo dowlad goboleedyada iyo maamul goboleedyada, qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, Baarlamaanka iyo dhamaan cid kasta oo loo arko inay aragti muhiim ah ku kordhin karto dhameystirka Dastuurka.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid oo isna goobta ka hadlay ayaa xusay in khubarada iyo xildhibaanada Baarlamaanka iyo aqooyahanada kale ee madasha fadhiya ay diirada saaraan, sidii loo heli lahaa talooyin wax ku ool ah oo dhameystir u noqda Dastuurkeena qabyada ah.

Amb. Nickolas Kay ayaa isna soo dhoweeyey dadaalada iyo wadatashiyada ceynkan oo kale ah, kuwaasoo lagu doonayo in lagu dhameystiro Dastuurka qabyada ah haatan lagu dhaqmo, waxa uuna ballan qaaday in Q/midoobay iyo beesha caalamkuba ay taageero dhinacyo badan leh ka geysanayaan dhameystirka.

Wasiirka Dastuurka oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in Wasaaradda Dastuurku ay ku howlan tahay wadatashiyada qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, ayna kulankan ku casuumeen khubaro heer caalami ah kuwaasoo ay uga faa’iideysan doonaan arrimaha siyaasada, gaar ahaana arrimaha ku saabsan awooda, kheyraadka, canshuuraha, maadaama ay yihiin aqooyahano caalami ah.

—DHAMMAAD—–

3 4 5 6 7 unnamed unnamed2

Previous Post

Daawo Sawirrada: Wabiga Shabeelle oo qarka u saaran in uu ku fataho deegaanno hor leh

Next Post

Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada oo xukunno ku ridday Al-Shabaab “Dhageyso”

Next Post
Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Puntland Oo Xukuno Kale Duwan Ku Riday Eedeysanayaal

Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada oo xukunno ku ridday Al-Shabaab "Dhageyso"

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In