Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xabsi daaโin ku xukuntay Saddex ka mid ah Maleeshiyada Al-Shabaab, kadib markii lagu helay dambiyadii lagu soo oogay .
Saddexda dhallinyarrada ah ayaa lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Maleeshiyaadka Al-Shabaab, isla markaana ciidamada Amniga ay soo qabteen bishii September ee sanadkan, iyagoo wata Mooto Bajaaj, bam gacameed iyo bastoolado oo ay doonayeen inay ku fuliyaan falal amni daro ah, waxaana ay Maxkamadda kahor qirteen inay katirsan yihiin Maleeshiyaadka Al-Shabaab gaar ahaan qeybta fulisa dilalka qorsheysan.
Hadaba Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka sida Gaashaanle dhexe Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Maxkamada kahor aqriyay aqriyay Dambiyada lagu eedeyay dhalinyarada Maxkmada lasoo taagay oo iyagu qiretay inay katirsan yihiin Nabad diidka Al-Shabaab.
Intaasi kaidb Gudoomiyaha Maxkamada Darajada -1-aad ee Ciidanka qalabka sida Gaashaanle dhexe Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in Maxkamadda ay Xabsi daaโin ku xukuntay 3-dii dhagarqabe ee manta Maxkamadda la horkeenay .
Tan iyo markii dib loo howlgaliyay Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Somaaliya ayaa Maxkamaddu waxa ay Xukuno kala duwan ku riday dhagarqabayaal katirsanaa Maleeshiyada Al-Shabaab oo isugu jira kuwo iyaga qirtay Dambiyadii lagusoo eedeeyay iyo kuwa Marqaatiyaal iyo Cadeymo loo helay.