Kulan ku saabsan kor u qaadista dimuquradiyada iyadoo la isticmaalayo tababarida haweenka si ay uga qayb-qaataan hanaanka siyaasadda dalka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.
Kukanka ayaa waxaa ka soo qayb-galay wasaaradda haweenka Galmudug, ayaa looga dooday sida ugu saxsan ee haweenku uga soo muuqan karaan masraxa siyaasadeed ee dalka.
Qaar ka mid ah haweenkii ka soo qayb-galay ayaa ka waramay arragtidooda kulanka iyo tababarada kor loogu qaadayo aqoonta haweenka, si ay u helaan wadiiqo ay kaga qayb-galaan arrimaha siyaasiga ah.
Xildhibaan Cibaado Yuusuf Axmed oo ka mid ah baarlamaanka Galmudug ayaa gaba-gabadii madasha ka hadashay waxa ayna xustay in haweenka looga baahan yahay inay kor u qaadaan waxbarashadooda si ay dalka iyo dadka wax u taraan.
Kulamada kor loogu qaadayo wacyigalinta bulshada ayaa bilihii la soo dhaafay lagu qabanayey degmooyinka Galmudug si dadku wax uga faa’idaan.