Saturday, March 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan ku saabsan isla jaanqaadida dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashoooyinka oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Kulan ku saabsan isla jaanqaadida dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashoooyinka oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa qabatay kulan dood wadaag ah oo ku saabsan isla jaanqaadida dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashoooyinka, kulanka waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada dalka iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka Arimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka furay ayaa sheegay in Wasaaradda ay dhiiragelineyso in dadweynaha ra’yigooda ay ka dhiibtaan arrimaha masiiriga ah ee quseeya dib-u-eegista Dastuurka.

Related posts

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

March 21, 2026
Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

March 21, 2026

“Wasaaradda waxay aas-aastay Madasha ka qeybgalka Dadweynaha taasoo marba looga doodo arrimaha taagan ee quseeya dib-u-eegista Dastuurka. Maanta waxaa miiska noo saran isla jaanqaadida dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashoooyinka, waxaan soo dhaweyneynaa aragtiyada iyo su’aalaha ay qaabaan dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiirka.

Ka qeybgalayaashii kulanka ayaa soo jeediyeen aragtiyo iyo su’aallo ku saabsanaa dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashoooyinka, waxaana su’aalahaas si wadajir ah uga jawaabay Wasiir Cabdi Xoosh, Xildhibaan Fawsiya Xaaji Aadan, La-taliyaha Madaxaweynaha Maxamed Cabdirisaaq iyo La-taliyaha Ra’iisulwasaaraha Avv Cumar Dhageey.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa sii wadi doonta qabashada kulamada noocan oo kale ah ee dadweynaha ay fikradooda uga dhiibanayaan arrimaha masiiriga ah ee quseeya dib-u-eegista Dastuurka.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee QM usoo magacaawday Soomaaliya(Sawirro)

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay Sucuudiga +Sawirro

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo booqasho rasmi ah  uga bilaabatay  Sucuudiga +Sawirro

Ra’iisul Wasaare Khayre oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay Sucuudiga +Sawirro

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026 Read here..... 1- President Hassan Sheikh Mohamud...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul Ftriga kula tukadey degaanka Gendershe Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo...

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
0

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa saakay si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In