Kulan ku saabsan la dagaallanka muqaadaraadka oo lagu qabtay Kaxda “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay kulanka wadatashiga ee ladagaallanka Muqaadaraadka, kaas oo lagu qabtay xarunta degmada Kaxda.

Kulankan oo qeyb ka ah ololaha uu maamulka Gobolka ka wado degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa oo looga hortagayaa Daroogada qeybaheeda kala duwan, waxaana maanta lagu qabtay degmada Kaxda, kaas oo ay goob joog ka ahaayeen Xildhibaanno, gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Kaxda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in Muqaadaraadka uu dhibaata xoogan ku haayo xasiloonida Caasimadda iyo bulshada, islamarkaana ay muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto

Live Stream

Wararka Raadiyaha

News In English

Kubiir Asxaabteenna

Shaqooyinka