Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan lagu sagootinayey howl-wadeeno kamid ah shaqaalaha hey’adda Bisha Cas ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Kulan lagu sagootinayey howl-wadeeno kamid ah shaqaalaha hey’adda Bisha Cas ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo lagu sagootinayey howl wadeeno kamid ah shaqaalaha hay’adda Bisha cas ee dalka Turkiga oo howlo kala duwan u qabtay shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena lagu soo dhaweynayey shaqaale kale oo hey’adaasi katirsan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaa ka qeyb galay wasiiru dowlaha wasaaradda arimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya, masuuliyiin katirsan wasaaradda arimaha gudaha, xubno matalayey ururka haweenka qaranka culumaa’udiin iyo marti sharaf kale.

Kulanka waxaa lagu soo bandhigay waxqabadka shaqaalahan intii ay ka howlgalayeen dalka, oo ay ugu dambeysay gargaarkii dhawaan Turkiga uu soo gaarsiiyey shacabka Soomaaliyeed, iyadoo dhinacyadii ka qeyb galay ay ku amaaneen shaqaalahan doorka wanaagsan oo ay ka qaateen howlaha lagu gargaarayey dadka Soomaaliyeed.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026

Gudoomiye ku xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Canab xasan Cilmi, iyo gudoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa labaduba amaanay kaalinta Turkiga ee Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arimaha gudaha iyo federaalka mudane C/rashiid Maxamed Xidig ayaa u sheegay howlwadeenada cusub ee hey’adda bishaca cas ee Turkiga in ay ka fakaraan sidii dalka ay uga hirgalin lahaayeen mashaariic kala duwan oo anfaca dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan fileynaa inaad ka fakartaan mashaariic cusub oo dalka wax badan kusoo kordhiya kuna soo dhawaada dalkiina iyo dadka Soomaaliyeed”ayuu yiri Xidig.

Turkiga ayaa ka qeyb qaatay horumarada kajira Soomaaliya, isagoo sameeyey howlo la xiriira dhinaca gargaarka, waxbarashada iyo caafimaadka.

Previous Post

Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Daawo Sawirrada: Tababar ku saabsan khatarta Miinooyinka oo loo qabtay booliiska Soomaaliya iyo AMISOM

Next Post
Daawo Sawirrada: Tababar ku saabsan khatarta Miinooyinka oo loo qabtay booliiska Soomaaliya iyo AMISOM

Daawo Sawirrada: Tababar ku saabsan khatarta Miinooyinka oo loo qabtay booliiska Soomaaliya iyo AMISOM

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In