Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan Lagu soo dhaweeynayay Musharax Xasan Maxamed Nuur (Qalaad) oo Galkacyo lagu qabtay “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Kulan Lagu soo dhaweeynayay Musharax Xasan Maxamed Nuur (Qalaad) oo Galkacyo lagu qabtay “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo ahaa mid lagu soo dhaweeynayay Xasan Maxamed Nuur(Qalaad) oo ka mid ah musharixiinta u tartamaya qabashada xilka madaxtinimada maamulka lagu wado in loo dhiso bulshada ku nool gobolada dhaxe ee Mudug iyo Galguduud ayaa isaga iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray magaalada Galkacyo waxaa lagu soo dhaweeyay hotelka Embassy ee Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.

Kulankaan lagu soo dhaweeynayay musharax Qalaad ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan xubnaha sadaxda Gole ee dowlad Gobaleedka Galmudug,kuwaasoo uu hor kacayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Ahna sii hayaha xilka madaxweynaha dowlad Gobaledka Galmudug mudane Xasan Maxamuud Heyl,mas’uuliyiinta maamulka Gobalka mudug iyo kan degmada Galkacyo culuma’udiin waxgarad iyo boqalaal ruux oo ka socday bulshada qeybaheeda kala duwan.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Duqa degmada Galkacyo Bile Diini Cali oo ugu horeeyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in bulshada Gobolada Dhaxe ay xiligaan ku taamaayaan in ay yeeshaan maamul ay ku mideeysan yihiin,kasoo uu tilmaamay in haddii lagu guuleeysto ay wax badan u hagaagi doonaa,isla markaana ay hubaal tahay in ay isku filnaan ka gaari doonaan baahiyo fara badan oo xiligaan heysta dadka ku abtirsada Gobalada Mudug iyo Galguduud.

Mudane Bile Diini Cali ayaa ugu dambyntii ka dhawaajiyay in shacabka Galkacyo oo uu afkooda ku hadlayay ay soo dhaweeynayaan musharax Xasan Maxamed Nuur Qalaad ayna u balan qaadayaan in ay la shaqeyn doonaan haddii uu nasiibku siiyo in uu ku guuleeysto madaxtinimada Maamulka lagu wado in ay yeeshaan labadaasi Gobal ee Galguduud iyo Mudug.

Musharax Xasan Maxamed Nuur Qalaad oo isna madasha khudbad dheer ka jeediyay ayaa ugu horeyn uga mahad celiyay madaxda iyo shacabka Dowlad Gobaleedka Galmudug sida wanaagsan oo ay ugu soo dhaweeyeen wafdiga uu hogaaminayay mahad celin kadibna waxaa uu ka warbixiyay ujeedka socdaalkiisa,taasoo uu ku qeexay in ay tahay mid qotonta sidii bulshada reer Galmudug uu ugu soo gudbin lahaa hadafkiisa ku aadan loolanka loogu jiro madaxtinimada maamulka loo dhisayo Mudug iyo Galguduud.

Qalaad ayaa khudbadiisa kaga warbixiyay waxyaabaha u qorsheeysan in uu wax ka qabanayo haddii alle ku guuleeyo hogaanka maamulka ololihiisa lagu jiro,waxaana uu ka dhawaajiyay in uu wax badan ka qaban doono arrimo fara badan oo uu timaamay in ay u baahan yihiin wax looga qabto bulshada labada Gobol, kuwaa oo ay ka mid yihiin ammaanka iyo horumarinta adeegyada asaasiga u ah nolasha,abuurista ila dhaqaale iyo la dagaalanka shaqa la’aanta heysata dhalinyarada ku nool Gobalada Mudug iyo Galguduud.

Ugu dambeeyntii Musharax Xasan Maxamad Nuur Qalaad ayaa sheegay in haddii uusan ku guuleysan uu la shaqeeyn doono cid kasta oo uu nasiibku u saamaxo qabashada hogaanka maamulka loo sameeynayo Gobalada Mudug Iyo Galguduud.

Kulankaan ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale ka hadlay waxgaradkii culuma’udiinkii iyo qeybahii kala duwanaa ee bulshadii ka soo qeyb gashay idil ahaantoodna waxayna si isku mid ah u soo dhaweeyeen musharaxnimada Xasan maxamed Nuur Qalaad.
1 (1)

1 (4)

1 (5)

1 (7)

1 (8)

1 (9)

1 (10)

1 (11)

1 (12)

1 (13)

1 (14)

1 (15)

1 (16)

1 (18)

1 (20)

1 (21)

1 (23)

1 (24)

1 (25)

1 (26)

1 (28)

1 (29)

1 (30)

1 (31)

1 (32)

1 (33)

1 (34)

1 (35)

1 (36)

1 (37)

1 (38)

Sawir Qaade C/risaaq Maxamed Axmed

Previous Post

West Ham oo Ka Badisay Kooxda Hull City “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In