Odoyaasha iyo Waxgaradka Gobolada dhexe ee Dalka ayaa soo dhaweeyay
Dadaalada ay dawladda FS ku bixinayso mashruuca dhismaha Dekadda Hobyo
oo dalka oo dhan gaar ahaan Galmudug ahmiyad wayn u leh.
Suldaan C/naasir Jaamac Seed iyo Nabadoon Firdhiye oo ku
hadlayay Afka Waxgaradka Gobolada dhexe ayaa warbaahinta Qaranka ug
waramay magaalada Hobyo ayaa sheegay in mashruucan uu rajo galinayo
bulshada Galmudug ayna bogaadinayaan.
Guddoomiyaha Hobyo C/laahi Axmed Cali Faad ayaa sidoo kale tallaabo
hore loo qaaday ku tilmamay in dawladaha Soomaaliya iyo Qatar ay isla
meel dhigeen bilaabashada Mashruuca dhismaha Dekadd.
Dowladihii Dalka soo maray ayaa marar badan isku dayay inay dhisaan Dekedda Hobyo laakiin kuma guulaysan hasa yeeshee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu majaraha u haayo Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa dhexda u xiratay dhismaha iyo dayactirka Kaabayaasha dhaqaalaha ee Dalka waxaana qeyb ka ah Dalaada lagu doonaayo dhismaha Dekeddaha Degmooyinkaย Hobyo iyo baraawe oo ka kala tirsan Gobolada Sh/hoose iyo Mudug
Horraantii bishii Deseembar ee sannadkii 2018 ayaa dowladaha
Soomaaliya iyo Qatar waxa ay magaalada Dooxa ku lala saxiixdeen
heshiisyo horumarineed oo ay kamid tahay dhismaha dekadda Hobyo,
waxaana shalay mar kale lagu dhawaaqay in mashruuca Dekaddu uu
bilaabanayo sida ugu dhaw.