Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan Lagu Taageeray La Dagaalanka Ololaha Joojinta Qaadka Oo Muqdisho Lagu Qabtay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Munaasabad Lagu Taageerayay Ololaha La Dagaalanka Qaadka Oo Muqdisho Lagu Qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankani lagu taageerayay ololaha joojinta cunista qaadka iyo ka hortaga dhibaatooyinka uu bulshada ku hayo ee uu wado Abuukar Cawaale Qaad diid ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen odayaal,waxgarad, aqoonyahanno,iyo ardayda wax ka barata Jaamacadda Al-Cimra,  waxaana kulanka soo qaban qaabiyay maamulka jaamacada  Al Cimra.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa  diirada lagu saaray  dhibaatada uu leeyahay cunista qaadka iyo ka ganacsigiisa bulshada Soomaaliyeed,  iyadoo mas’uuliyiintii ka soo qeyb galay kulanka ay  sheegeen in ay si weyn u taageerayaan ololahani lagu joojinayo  cunista qaadka maadaama la aaminsanyahay in dhibaato uu ku hayo horumarka dhaqaalaha dalka.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Nabadoon Faarax Cabdi Guure oo ka hadlay kulanka ayaa kula dardaarmay ardayda wax ka barata jaamacada  caalamiga ah ee Al Cimra in ay  ka  qeyb qaataan wacyigelinta bulshada ee isticmaalka maandooriyaha Qaadka.

Guddoomiyaha la dagaalanka  Qaadka  Abuukar Cawaale Qaad-diid oo ka hadlay  kulanka ayaa  ka sheekeeyay  dhibaatada  uu u leeyahay  qaadka bulshada Soomaaliyeed  Naf iyo maal.

Guddoomiyaha  Jaamacada  Caalamiga ah ee Al Cimra oo ka  hadlay kulanka ayaa  ugu mahadceliyay  Abuukar Cawaale Qaad-diid dadaalka uu ugu jiro sidii loo joojin lahaa cunista qaadka, isagoo ku booriyay ardaydu in ay ka qeyb qaataan  joojinta cunista maandooriyaha qaadaka

“waxa jaadka cuna waxa weeye dadka Soomaalida  iyo dadka  soo raaca waxaana looga qaataa Qarash badan  waxaa qaadka uu ku dambeeyaa  waa dadka Sooomaaliyeed  waxaana rajeyneynaa in ilaahay naga qabto qaadka,  waxaan idiin sheegeynaa oo kale  maalin kasta waxaa la keenaa  diyaardo qaad ah Dalkeena,  waxaana  noo gala qaataa lacago  fara badan oo doolar ah oo dadkeena ay u baahanyihiin marka anigoo ka duulaya barnaamijkani  uu wado Abuukar Qaad-diid  waan taageereynaa” Ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda Al Cimra.

Abuukar Cawaale Qaad-diid ayaa dalka ka wada olole uu kaga hortagayo cunista qaadka oo waxyeela ba’an ku haya qoysaska Soomaaliyeed, waxaana maalmihii la soo dhaafay ka scda degmooyinka gobolka Banaadir kulamo lagu xoojinayo islamarkaana lagu taageerayo ololaha la dagaalanka qaadka.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Howlgalo Ammaanka Lagu Xaqiijinayo Oo Beydhabo Laga Sameeyay

Next Post
Howlgalo Ammaanka Lagu Xaqiijinayo Oo Beydhabo Laga Sameeyay

Howlgalo Ammaanka Lagu Xaqiijinayo Oo Beydhabo Laga Sameeyay

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In