Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan lagu taageerayo haweenka ee barashada xirfadaha gacanta oo lagu qabtay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Kulan lagu taageerayo haweenka ee barashada xirfadaha gacanta oo lagu qabtay Gaalkacyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka wacyigelinta ah oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Maxaligaa ee C.B.D oo gacan ka heleeysa Hay’adda DHK oo ah hay’ad laga leeyahay Dalka Jarmalka, isla markaana ku saabsanaa sidii bulshada loogu wacyi galin lahaa in Haweenka lagu taageero Barashada Xirfadaha Gacanta ujeedkuna yahay in  Shaqo  abuur loogu sameeyo Alayaa lagu qabtay Galkacyo

Kulanka Wacyigelinta oo ay goob joog ka ahaayeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka dagmada Gaalkacyo iyo Xubno ka socday qeybaha Bulshada ayaa waxaa ugu horeeyn ka hadlay Masuuliyiintii ka socatay Hay’adda C.B.D kuwaa oo sheegay in sanadihii u danbeeyay ay ka faa’iideeysteen Haween badan barashada xirfado kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Makaanikada Korantada iyo ka shaqeeynta Xafiisyada, iyagoo xusay in marka loo eego dufcaddii hore tirada ka faa’iideeysatay la dareemayo in ay jiraan horumaro laga sameeyay ka qeyb galinta Haweenka ee barashada Xirfadaha Gacanta

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Masuuliyiintii u hadashay Hay’addaha C.B.D iyo DHK ayaa ugu baaqay shacabku in ay taageeraan in gabdhaha fursad loo siiyo Barashada xirfadaha ayna ku gacan siiyaan marka ay bartaan in ay ku shaqeeystaan

Qaar ka mida xubnihii ka qeyb galay oo iyaguna kulanka aragtidooda ka dhiibtay ayaa ugu horeeyn uga mahad celiyay hay’addaha C.B.D iyo DHK sida ay uga faa’iideeyeen Gabdhaha barashada Xirfadaha gacanta iyagoona sheegay in loo baahan yahay in lagu dhiiri galiyo haweenka xirfadaha ay barteen oo ay xuseen in ay awood u leeyihiin in ay bulshada ugu adeegaan

Agaasimaha Waaxda Tababarada shaqada shaqaalaha Dowladda Hoose ee Dagmada Galkacyo Cabdi kaafi Cabdullaahi Jaamac oo ka hadlay gunaanadkii kulanka ayaa ku amaanay hay’addaha C.B.D iyo DHK sida muuqata ee ay ugu faa’iideeyeen Boqalaal haween ah Barashada Xirfadaha kala duwan oo uu xusay in hooyooyin badan ay hadda ku shaqeeyaan xirfadaha ay bareen isla markaana ay ku maareeyaan nolal maalmeedka qoyskooda ka maamul ahaan ay kaalintooda ka qaadanayaan sidii  bulshada loogu wacyi galin lahaa in haweenka ay ku taageeraan Barashada Xirfadaha Gacanta

 












Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Aqalka dowladda hoose ku qaabilay safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya

Next Post

Ciidamada Qalabka Sida oo howlgal qorsheysan ku dilay 10 ka tirsan Khawaarijta

Next Post
Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ku dilay lix ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab

Ciidamada Qalabka Sida oo howlgal qorsheysan ku dilay 10 ka tirsan Khawaarijta

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In