Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan lagu xasuusanayay Taariikhda Halgame C/laahi Ciise oo Muqdisho lagu qabtay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Kulan lagu xasuusanayay Taariikhda Halgame C/laahi Ciise oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Isku imaadkan lagu xasuusanayay Allaha u naxariistee Halgamaagii Qaranka Soomaaliyeed Kalinta Weyna ka soo qaatay Gobnima doonkii Umadda Soomaaliyeed Marxuum Cabdulaahi Ciise Maxamuud oo Waqtigii uu geeriyooday laga joogo mudo 27 sano ah ayaa waxaa uu ka qabsoomay Magaalada Muqdisho waxaana ka qayb galay Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliyeed mas’uuliyiin hore iyo dad ay mudo soo wada shaqeeyeen Marxuumka.

Sheekh Cabdi Shukri waxaa uu ka mid yahay xubnaha ay soo wada shaqeeyeen aqoon dheern a u leh halgamaagii Soomaaliyee Cabdulaahi Ciise oo Bulshada Kulankaan ka qayb gashay ay iksu raaceen in uu ahaa Aabihii Halgankii gobonimo doonka Soomaaliyeed waxaa uu ka hadlay taariikhdii marxuumka inta uu ka xasuusto.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Mudane Cali Ismaaciil Cabdi Giriig oo Wasiir ka soo noqday mid ka mid ah dowladihii dalka soo maray ayaa waxaa uu sheegay in Taariikhda Halgamayasha iyo Dadka Magaca ku dhex leh Bulshada loo baahan yahay in Maamuus loo sameeyo oo Taariikhdooda kor loo qaado isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in Goobaha waxbarashada aan da’yarta lagu barin taariikhda dalka iyo Halgamayaasha Gobanimodoonka.

Munaasabada ayaa waxaa ka qayb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Cali Kadiye iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah Prof Cabdulaahi Sheekh Cali Qaloocow iyo Xubno kale .

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Mr Qaloocow ayaa waxaa sheegay in Muhiim ay tahay in Dadka Magaca ku dhexleh Bulshada ay yeeshan Astaamo lagu xasuusto oo loogu magacdaro Taariikhda Marxuum Cabdulaahi Ciise Maxamuudna aysan ahayn wax la soo koobi karo.

Cabdulaahi Ciise Maxamuud waxaa uu ka mid ahaa Dhalinyaradii Halgamayaashii Gobanima doonka Soomaaliyeed SYL oo uu ka ahaa Xoghayaha Guud Waxaa uu uu door Muuqda ka soo qaatay dadaaladii Xisbigaasi uu ugu jiray in Soomaaliya Qaran Madaxbanaan noqoto xilal kala duwan ayuuna ka soo qabtay Dowladihii rayidka ahaa Dowladii Kacanka ayaa u Magacawday Safiirka Soomaaliya Ee Swiden 1988 dii ayuuna ku dhintay Magaaladda Roma Ee Dalka Talyaniga .

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha oo si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb

Next Post
Madaxweynaha Dalka Iyo Wafdi uu hoggaanimayo

Madaxweynaha oo si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In