Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlay doorka dhallinyarada ee Nabadda oo lagu qabtay Koonfur Afrika

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlay doorka dhallinyarada ee Nabadda oo lagu qabtay Koonfur Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhallinyarada Soomaalida ee ku nool dalka South Africa ayaa kulan afur ah u sameeyay waxgaradka iyo aqoonyahanada Soomaalida ee ku nool magaalada Johannesburg.

Kulanka afurka waxaa soo qaban qaabiyay ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika ayaa habeenkiii xalay ahaa, waxa uu ka dhacay magaalada Johannesburg gaar ahaana xaafada Mayfair, waxaana kasoo qeybgalay waxgarad kala duwan oo ka mid yihiin aqoonyahano iyo waliba guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Banaadir Cali Maxamed Cali “Ugaas Cali”.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Kulanka ayaa ujeedkiisa ahaa sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada xaaladaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada tuulooyinka ah iyo waliba dilalka iyo dhibaatooyinka ay dhaxdooda isku geystaan.

Ku-xigeenka Guddoomiyaha dhallinyarada Mudane Cabdullaahi Cabdi Xasan “Xarbi” ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in kulamada ay ahaayeen kuwa maalmahii lasoo dhaafay ay la yeelanayeen qeybaha kala duwan ee bulshada sidii iskaashi iyo wadajir ah loo wada yeelan lahaa arimo badan oo horyaala dhallinyarada.

Prof Cabduqaadir Cigaal oo barre ka ah mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaala magaalada Johannesburg iyo Ugaas Cali Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka banaadir ayaa ugu baaqay dhallinyarada in buuxiyaan doorkii ay qaateen dhallinyaradii SYL, ayaga oo waxgaradkana ugu baaqay in laga faa’iideysto awoodda dhallinyarada.

Ugu Dambeyn Guddoomiyaha Dhallinyarada South Afrika Maxamed Cumar Talyaani ayaa sheegay in Ururka Dhallinyarada uu diyaar u yahay in wax laga qabto dhibaatooyinka dhallinyarada Soomaalida ku heysta gudaha dalka South Africa.

 

C/laahi Maxamuud Amiin.

C/laahi Qorshe

Johannesburg -South Africa

Previous Post

Wasiirka Amniga iyo xubno Wasiiro ah oo xalay kormeeray baraha ciidamada ee ku yaala caasimadda

Next Post

R.Wasaareyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya oo yeeshay kulan looga hadlayey Xoojinta xiriirka labada dal “SAWIRRO”

Next Post
R.Wasaareyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya oo yeeshay kulan looga hadlayey Xoojinta xiriirka labada dal “SAWIRRO”

R.Wasaareyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya oo yeeshay kulan looga hadlayey Xoojinta xiriirka labada dal "SAWIRRO"

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In