Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlay wax ka qabashada abaarta ka jirta dalka oo lagu qabtay Minneapolis+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlay wax ka qabashada abaarta ka jirta dalka oo lagu qabtay Minneapolis+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan loogu hadlayey sidii abaaraha Soomaaliya wax loogu qaban lahaa ayaa Β lagu qabtay Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota, Kulankani oo ay soo qaban qaabiyeen Senator Amy Klobucher oo Gobolka Minnsota u matasha Aqalka Sanet-ka iyo Tom Emmer oo Congresska Mareykanka u matala Gobolka Minnesota ayaa waxaa shirkaasi ka soo qeyb galay hey’adaha Samafalka iyo horjoogayasha jaaliyadda Soomaalida waxaana loogu hadlay sidii gacan deg deg ah loogu geysan lahaa Abaaraha Soomaaliya oo la sheegay in ay saamaysay in ka badan 6 Milyan oo Qof.

Ugu horreyn Senator Amy Klobucher oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay in madaxweynaha maraykanka uu jaray 17 bilyan oo doolar oo loogu tala galay Gargaarka caalamiga ah taasi oo saamayn xoogan ku yeelan doonto dadkii heli jiray gargaarkaasi. waxayna sheegtay in ay dhawaan u dirtay dhambaal Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

“17 bilyan waa arrin laga walaaco marka aad aragto lacag intaasi la eg waa 17 bilyan oo doolar taasi oo ka go’ayso miisaaniyadda wasaradda arrimaha dibadda iyo sanduuqa kaalmada maraykanka isla markaana lacagtaasi loo kordhinayo ciidamada, mana diidani in aan yeelano ciidamo awood leh balse sida ugu wanaagsan oo saaxiibo caalami ah lagu kasban karo ayaa ah in la caawiyo marka ay kuu baahan yihiin oo dadkooda ay dhimanaya”. ayuu yiriΒ ator Amy Klobucher.

Sidoo kale Amy Klobucher oo maanka ku heysta in gobolkani ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan Maraykanka isla markaana ah dadka ay matasho ayaa sheegtay
inΒ halkani ku noolyihiin Β Soomaali badan oo qoysaskooda iyo saaxiibadooda ay ku nool yihiin dallkii ay ka soo hayaameen waxanaa muhiim ah in la taageero oo la badbaadiyo marka ay kuu baahan yihiin.

Dhanka kale Wakiilka Gobolka Minnesota Tom Emer ee aqalka kongerska Maraykanka ayaa sheegay in ay Β muhiim tahay in la taageero lana gargaaro dadka abaaraha ku heyso bariga Afrika wuxuuna warka intaasi ku daray in uu aaminsanyahay in kooxaha argagixisada ah sida Al-shabaab ay ka faa’ideysan karto dhibaatooyinka nuucan oo kale ah.

ugu danbeyntii ayaa waxaa sidoo kale la kulmay Abdirizaak Abdi Β oo ahΒ  madaxa Β hey’ada gargaarka ee Hon Africa Β wuxuna qabaa in xiligani ay muhiim tahay in la gargaaro dadka Soomaaliyeed oo u dhimanaya Cunto iyo biyo la’aan.

Previous Post

Dhageyso:- Barnaamijka kulanka todobaadka oo uu marti ku ahaa R/wasaare ku xigeenka dalka

Next Post

Shir looga hadlayay amniga oo lagu qabtay xarunta Degmada Heliwaa “SAWIRRO”

Next Post
Shir looga hadlayay amniga oo lagu qabtay xarunta Degmada Heliwaa “SAWIRRO”

Shir looga hadlayay amniga oo lagu qabtay xarunta Degmada Heliwaa "SAWIRRO"

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In