Thursday, October 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay dhibaatada tahriibka oo Muqdisho lagu qabtay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlayay dhibaatada tahriibka oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan looga hadlayay dhibaatooyinka Tahriibka uu leeyahay iyo sida dhalinyarada loo wacye gelinkaro ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay qaar ka mid ah Wasaaradaha Dalka,Ururka Haweenka Qaranka,Ururka Dhalinyarada Gobolka Banaadir ,Arday ka socotay Dugisyada Sare iyo qaar ka mid ah Jaamacadaha Magaaladda Muqdisho. Kulanka oo uu soo qaban qaabiyay urur magaciisa la yiraahdo SOHVOT oo ka shaqeeya Arimaha Bani,aadanimada ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Gudoomiyaha Ururkan Salaad Xasan Maxamed oo ka hadlay waxa Kulanka uu ku saabsanyahay.

‘’Maanta Barnaamijkan aan idin qaban doono waxaa uu ku saabsanyahay Arimaha Tahriibka iyo dhibka uu leeyahay ,inkastoo Dhalinyarada Soomaaliyeed ay aamini la’yihiin in ay Dalkooda ku noolaadaan sidaas daraadeed Barnaamijkan Ahmiyad gaar ah ayuu leeyahay’’

Related posts

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026

C/llahi Shariif Axmed oo ah Gudoomiyaha  Golaha Sare ayaa sheegay in Tahriibka saameeyn weyn uu nolosha Dhalinyrada ku leeyahay loona baahanyahay in laga hortago.

‘’Runtii aragti ahaan wey jirtaa waana culeys waxaana ka mid ahay dhaliyarada Soomaaliyeed runtii aad ayaad uga xumaaneysaa amaba waad qiirooneysaa marka aad aragto dhalinyaro soomaaliyeed o badaha ku dhimaneysa ama meydadkooda xeebaha lagu soo daadinayo marka waxa dadkaas ku qasbaayo in ay tahriibaan waa dhibaato jirta’’

Gudoomiyaha Ururja Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed
Gaballe ayaa u sheegtay Dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ku fikiraan in
Dalku ay iyagu leeyihiin,

‘’Waxaa loo baahanyahay inaad ku fikirtiin in Dalkan uu yahay Dalka Aduunka ugu nimcada badan hadii dib loo fiiriyo oo la xisaabtamo mudo aan badneyd la xisaabtamo oo aan iska dhaafno tahriibka oo aan u soo jeesano Dalka qofkasta oo Soomaali ah daqligiisa waxaa uu noqonayaa hal milyan oo doolar qof kastoo soomaali ah waa loo shaqeynaayaa ,qof kastoo soomaali ah waa la ixtiraamaayaa ,kaarbad cas ayaa loo fidinaayaa qof kastoo Soomaali ah horumarkaas dhaqaale ayuu u baahanyahay dhaqaalihii yaa heeysto ? Anagaa heysano yaa dhaxalkeeda iska leh idinkaa iska leh.

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Dhaliyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Cusmaan Maxamuud Dhuubow ayaa ku
baraarujiyay Dhalinyarada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay
u istaagaan horumarka dalkooda.

‘’Waxaan idinku baraarujinayaa in meeshaan lagu ba’ay oo keentay oo keentay inaad carartaan waa Cadaalad darro ,Cadaalada in loo istaago oo isbedelka laga qeyb qaato idinka laftigiina aad qeyb ka noqotaan Siyaasadda mustaqbalka wadanka ayaa loo baahanyahay si aysan u noqon in wadankiina aad ka tagtaan m,inta badan waxa aad dalkiina aad uga carareysaan waa dhibaato taagan ,aniga hada waxaan wasaaradaha ka mid noqday sanadkii igu horeysay ,waan dareemayaa dhalinyarada badan oo aqoon leh ay shaqo la’yihiin ,kuwo waxaa jira aan waxba soo baran oo qaababka kala duwan shaqada lagu geeyay taasi waxa ay keeneysaa in wiilka dhalinyarada ah oo haydiiisa iyadoo yaanyada gadeysa ay soo korisay waxna ay soo bartay uu badda galo isagoo aan cidna taageeero ka heleynin taasi waxa ay na tusineysaa in kan bada ku dhimanaayo uu isaga yahay’’ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Barnaamijyada ka hortaga dhibaatada Tahriibka uu leeyahay iyo ka wacye gelinta dhaliyarada soomaaliyeed ayaa mudooykanba waxa ay ka socdaan Magaaladda Muqdisho ,waxaana ka qeyb qaadanaya ururada ka shaqeeya
arimaha badi,aadanimada.

Previous Post

Wasiirka gaashaandhiga oo la kulmay gudiga isku dhafka ciidanka{SAWIRRO}

Next Post

Wasiiro ka tirsan Koofur Galbeed oo kormeeray xero ciidan{SAWIRRO}

Next Post
Wasiiro ka tirsan Koofur Galbeed oo kormeeray xero ciidan{SAWIRRO}

Wasiiro ka tirsan Koofur Galbeed oo kormeeray xero ciidan{SAWIRRO}

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In