Wednesday, February 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay dhibaatooyinka daawada xad dhaafka ah oo lagu qabtay Mareykanka+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlayay dhibaatooyinka daawada xad dhaafka ah oo lagu qabtay Mareykanka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan looga hadlayay dhalinyarada isticmaasha daawada xad dhaafka ah (Overdose) ayaa lagu qabtay magaalada Columbus Ohio Maanta, waxaana soo abaabulay qaar kamid ah waalidiinta magaalada gaar ahaan Ramlo Jama oo ah Hooyo Caruur  koox ah ugu dhalatay Mareykanka isla markaana ka damqatay dhibaatada haysata dhalinyarada.

Bishii la soo dhaafay oo kaliya sadex dhalinyaro Soomaali ah ayaa u dhimatay isticmaalka daawadaa xad dhaafka ah halka kuwo kale ay la ildaranyihiin dhibaatada ka soo gaartay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda Mercy Corps

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda Mercy Corps

February 3, 2026
Wasaaradda Howlaha guud XFS oo hormuud u ah dardargelinta mashruuca garoonka New Muqdisho

Wasaaradda Howlaha guud XFS oo hormuud u ah dardargelinta mashruuca garoonka New Muqdisho

February 3, 2026

Inakasta oo lagu jiro xili adag oo dadku ka wal walsanyihiin Coronavirus, hadana kulankan waxaa qeyb ka ahaa waalidiin haween u baddan iyo dhalinyaro, waxaa dhankooda ka qeyb qaadanayay xubno ka socday Hay’adaha caafiaadka Columbus Ohio.

Waxaa lagu soo bandhigay Sheekooyin xanuun baddan iyo Taariikho mugdi galiyay qoysas badan oo xubno qoysaskooda ka tirsanaa ay ku waayeen isticmaalka Overdoseka.

Dhibaatada haysata qoysaska Soomaaliyeed ee qurbaha waxaa qeybta ugu daran hogaamiya is fahmi waaga dhaqanka ee waalidiinta iyo Ubadkooda, mahan wax sahlan in waalid Soomaaliyeed uu soo dhaweysto Wiilkiisa Ama Gabadhiisa oo isticmaashay Daroogo waana sababaha sii fogeeya Ilmaha.

Waaxda caafimaadka ayaa Tibaaxday in dhalinyarada u dhexeeysa 16 ilaa 24 gabi ahaan dalka Mareykanka ay halis ugu jiraan isticmaalka daawada xad dhaafka ah, waana cabsi la soo daristay qoys walba.

Muhiimada kulanka ayaa ahaa waalidiinta gaar ahaan Hooyooyinka iyo Ilmaha in laga dhex abuuro is faham sababi kara in ilmaha aysan sii fogaan oo hadii qalad lagu arko la soo dhaweeyo si dagan oo naxariis ku jirtana looga saaro, waana mid ku adag waalidiinta Soomaalida oo dhaqan ahaan Canaan iyo qeylo Ilmaha ku wajaha waana horseedka in ilmuhu guryahooda ka yaacaan una galaan kuwo aan ka naxayn.

Kulmada Noocan ah ayaa lagu balamay in la sii wado tan iyo inta xal laga gaarayo.

Tags: Kulan looga hadlayay dhibaatooyinka daawada xad dhaafka ah oo lagu qabtay Mareykanka+Sawirro
Previous Post

Madaxweyne ku xigeenka Punland oo soo xiray shirka mashaariicda deegaannada maamulkaasi+Sawirro

Next Post

Hay’adda UNICEF oo war kasoo saartay shaqaale maanta lagu dilay Muqdisho

Next Post
Hay’adda UNICEF oo war kasoo saartay shaqaale maanta lagu dilay Muqdisho

Hay’adda UNICEF oo war kasoo saartay shaqaale maanta lagu dilay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda Mercy Corps

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda Mercy Corps

February 3, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday...

Wasaaradda Howlaha guud XFS oo hormuud u ah dardargelinta mashruuca garoonka New Muqdisho

Wasaaradda Howlaha guud XFS oo hormuud u ah dardargelinta mashruuca garoonka New Muqdisho

February 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Cabdinuur Axmed, ayaa maanta shir heer...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socda Switzerland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socda Switzerland

February 3, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Hay’adda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda Soomaaliya oo ku celisay inay ahmiyad siineyso wada-hadal Qaran

February 3, 2026
0

Dowladda Soomaaliya War-saxaafadeed ay soo saartay markale ku celisay inay ahmiyad siineyso wada-hadal Qaran Screenshot  

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In