Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Fahamka khaldan eelaga haysto Qurba joogta Soomaalida ah oo laga hadlay “SAWIRRO”

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Fahamka khaldan eelaga haysto Qurba joogta Soomaalida ah oo laga hadlay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayay sida lagu sixi karo fikirka qaldan ee laga aamisnahay Soomaalida ku nool dalka dibadiisa, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen Wasiiro, Xildhibaanno, aqoonyanao iyo mas’uuliyiin ayaa waxaa looga hadlayay sida lagu sixi karo fahamka qaldan ee laga qabo Soomaalida ku nool dalka dibadiisa ee ah inay yihiin argagixiso iyo burcad badeed, uuna soo qaban qaabiyay urur lagu magacaabo (Somali Global Relation Forum) xiriirka caalamka iyo Soomaaliya, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Related posts

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026

Guddoomiyaha Xiriirka caalamka iyo Soomaaliya Mahad Cali Abuukar oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in gacan lagu siiyo sidii fikraha qaldan ee ay bulshada caalamka ka haysato Soomaalida, waxaana uu intaa ku daray inay ka shaqeynayaan sidii arrimahaasi wax looga qaban lahaa.

“Soomaaliya maanta Caalamka magac xun ayaa ka taalo, adduunka oo dhan magacyo xun ayay noo bixiyeen, waxaan isugu nimid in aan soo cesho magacii aan ku lahayn oo aan dunida u sheegno in aan nahay dad wanaagsan oo leh dad gabyo dad sumcad leh iyo dad dhowrsan” ayuu yiri Mahad.

Qaar ka mid ah aqoonyahanadii ka qeyb galay kulanka ayaa qiray inay jirto dhibaatooyin ay Jaaliyadaha Soomaaliyeed kala kulmaan mujtamaca ay la noolyihiin, loona baahanyahay sidii arrimahaasi wax looga qaban lahaa in loo istaago,.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha dibadda ee baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Cumar dalxa ayaa sheegay in tahay tallaabo u baahan in bulshada oo dhan ay u istaagto, lagana hortago cidkasta oo wax uu dhimeysa magaca Ummadda Soomaaliyeed.

“Shalay waxa dhulka anaga na dhigay oo sharafteena  baa bi’iyay, waxaan ka tegnay dhaqankeena, diinteena, wixii xun ayaan xarago ka dhiganayay, maanta ilaa aan ka noqono wixii qaab darro  ee anaga aan geysanay, dad Soomaaliyeed ayaa inta ay soo istaagaan ama wiil Soomaaliyeed ayaa inta uu mujtamac soo hor istaagno, intuu hadlo o oo ku faano waxbaan soo dilay, waxbaan soo dhacay, iyo gabar Soomaaliyeed ayaa soo kufsaday in mujtamaca dhexdiisa ku noolaado oo lagu fasaxo maalintaas ayaan anaga fadarownay” ayuu yiri Dalxa.

Wasiir ku-xigeenka howlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahad Cumar Geedi oo ugu dambeyntii goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa tilmaamay in loo baahanyahay in si wada jir ah la isaga sidii loo soo celin lahaa sumcaddii ay Soomaaliya kulahayd dunida, loogana gudbi lahaa fikirka qaldan ee laga aaminsanyahay Soomaalida meelkasta oo ay dunida ka joogto.

“sida aad ogtihiin adduunyadan aan ku noolnahay qof aan xiriir u baahneyn ma jirto, qof waliba waxa uu cilaaqaad la leeyahay malyanis qof oo aadan adiga war uu hayn ama kuwa aad war u heyso ayaa kula shaqeeyo, adduunyadan intaan sii bur bureynay wixii hore ee naga lumay, in dad la helo oo arrimahaasi soo celiya oo arintan u istaaga, sida team-kan hadda noo muuqdo, waxaan madaxda dowladda rajynaynaa in ay na caawin doonaan team-kan” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Howlaha guud.

20150601_184504_resized 20150601_174910_resized 20150601_174925_resized 20150601_174951_resized 20150601_175012_resized 20150601_175033_resized 20150601_175823_resized 20150601_182024_resized 20150601_183839_resized 20150601_184504_resized

 

 

Previous Post

Shir Qaxootiga Soomaaliya looga hadlayay oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post

Kadib Al-shabaab adeegyadii bulshada ee degmada Mahadaay oo soo laabtay

Next Post
Kadib Al-shabaab adeegyadii bulshada ee degmada Mahadaay oo soo laabtay

Kadib Al-shabaab adeegyadii bulshada ee degmada Mahadaay oo soo laabtay

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026
0

Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka Sare ee BJFS, ayaa maanta yeeshay kulankoodii...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In