Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay ka hortagga Argagixisada oo lagu qabtay Nairobi

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlayay ka hortagga Argagixisada oo lagu qabtay Nairobi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan looga hadlayay sida looga hor tagi karo khatarta argagaxasida iyo xagjirnimada ayaa maanta lagu qabtay xaafadda ay Soomaalidu sida weyn u degto “Islii” ee magaalada Nairobi.

Kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen guddiga Culimaa’udiinka ee Wadanka Kenya ayaa waxaa ka soo qeybgalay Xildhibaanno ka soo jeeda gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya, saraakiisha ciidanka booliska, aqoonyahanno, waxgarad, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Xildhibaan,  C/qaadir Oorre Axmed oo kamid ah Xildhibaanadda ka soo jeeda Galbeedka magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari oo kulanka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ahmiyadda ugu weyn ay aheyd sidii looga hor tagi lahaa xagjirnimada la doonayo in lagu hago dhallinyarada ku nool xaafadda Islii.

Oorre ayaa intaa ku daray in la isku afgartay wada shaqeyn dhab ah oo dhax marta booliska iyo dhallinyarada xaafadda Islii, si looga fogaado halista xgjirnimada iyo nabad galyo darrida guud ahaan wadanka Kenya.

Xildhibaan,  C/qaadir Oorre Axmed “Halkaan waxaan u fadhinay shir lagula hadlayay dhallinyarada oo ku saabsan ka hortagidda arrimaha xagjirnimada, waxaa ka soo qeybagashay mas’uuliyiin, booliska iyo dhallinyaro, waxyaabo badan ayaa la is weydaarsaday, waxaana halkaan lagu go’aansaday in ay wada shaqeeyaan booliska iyo dhallinyarada ku nool xaafadda Islii, marka howshaan meelo badan oo wadanka ah ayay ka socotaa”

Axmed oo ku hadlayay magaca guddiga ganacsatada Islii ayaa yiri “Shirkan wuxuu ahaa mid aad iyo aad muhiim u ah, waxaana ka soo qeybgalay ururo kala duwan, waxaa soo qaban qaabiyay guddiga culimada ee wadanka Kenya, muhiimada waxay aheyd sidii loola dagaalami lahaa argagaxisada,waxyaabo badan ayaa la isku dhaafsaday shirka”.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay qaar ka tirsan mas’uuliyiintii ka qeybgashay kulanka, iyagoo bogaadiyay  in meel looga soo wada jeesto kooxaha argagaxisada  oo lala shaqeeyo hay’adaha amniga, si looga hortago qatarta kooxhan ay ku hayaan bulshada.

 

Previous Post

Siminaar loo furay qaar ka tirsan shaqaalaha Wasaaradaha Maamulka K/galbeed ee dalka

Next Post

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo la kulmay wafdi ka socda dowladda Shiinaha “SAWIRRO”

Next Post
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo la kulmay wafdi ka socda dowladda Shiinaha “SAWIRRO”

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo la kulmay wafdi ka socda dowladda Shiinaha “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In