Thursday, July 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay ka qeyb qaadashada horumarka caasimadda oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 14, 2015
in Wararka
0
Dhoolatus ay sameynayaan ciidanka booliska oo Muqdisho ka socda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan oo looga hadlayey sidii bulshada Soomaaliyed ee Qurba joogta ah iyo kuwa gudaha dalka ku nool ay ugu wada qeyb qaadan lahaayed horumarka magaalada Muqdisho iyo isdhexgalka bulshada ayaa lagu qabtay xarunta Degmada Cabdicasiis ee gobalka Banaadir, iyadoo munaasabadda ay ka mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir.

Inta ay munaasada socotay ayaa  waxaa goobta lagu soo bandhigay muuqaalo ka turjumayo isbadalada horumarka leh ee ka jira magaalada Muqdisho.

Related posts

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

July 10, 2025
Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

July 10, 2025

Qaar ka mid ah qurba joogti ka qeyb gashay munaasabadda ayaa  tilmaamay in Dalka uu haatan nabad yahay, isla markaana ay qeyb ka qaadan doonan dib u dhiska dalka.

Guddoomiyaha Degmada Cabadicasiis Cismaan Muxiyadiin Cali Cariif oo munaasada ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in ay midoowan qurbo joogta Soomaaliyed  iyo bulshada gudaha dalka ku nool, si ay uga wada qeyb qaataan horumarka caasimadda.

Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobalka Banaadir Maxamed Amiin Sheekh Cumar ayaa dhankiisa tilmaamay in Qurba joogta Soomaliyeed ay door la taaban karo ka qaatan taakuleynta dadka danyarta ah ee kunool dalka iyo dib-udhiska dalka.

Horumarka iyo nabada ka jirta Dalka ayaa horseed u noqday in qurbo joog Soomaaliyeed oo fara badan oo muda dalka ka maqnaa ay dib ugu soo laabtan gudaha dalka, iyagoo door muuqda ka qaata mashaariicda horumarineyd ee haatan ka jira magaalada Muqdisho iyo gobalada Dalka.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

July 10, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Cammaan...

Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

July 10, 2025
0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Shaqada...

Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

July 9, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay munaasabad heer caalami ah oo lagu guddoonsiiyay Senator Xasan Iidow Muxumed (Kobac)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 9, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee Soomaaliya (SoDMA) mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Safiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In