Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta amniga oo lagu qabtay Degmada Shibis “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta amniga oo lagu qabtay Degmada Shibis “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan dadwayne oo uu soo abaabulay Maamulka Gobalka Banaadir kuna saabsan sidii Maamulka iyo shacabku isaga kaashanlahaa ka hortagga falalka Argagixisada Al-Shabaab ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Degmada Shibis ee Gobalka Banaadir.

Kulanka oo halku dhig looga dhigay Ha Qarsan Dhagarqabayaasha Shabaab kuna wargali Maamulka iyo Ciidamada amaanka qofkasta oo aad uga shakiso Shabaab ayaa waxaa looga hadlay dhibaatada ficillada Xagjirka, iyadoo ay halkaasi hadalo ka jeediyay qeybihii kala duwanaa ee bulshada ee lagu casuumay munaasibadda Furitaanka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Taliyaha Booliska Saldhigga Shibis Gaashaanle Xabad Habarwaa oo la hadlay bulshada Degmada Shibis ayaa ballanqaaday in booliska Degmadu ay 24 Saac heegan u yihiin la shaqeynta dadweynaha Degmada, isagoo codsaday in ay si toos ah iyo si dadbanba Xafiiskiisa ugu soo gudbiyaan qofkii ay ka shakiyaan si bulshada looga badbaadiyo qatartiisa.

Agaasimaha Waaxda Diinta Wasaaradda Owqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Cali Sheekh Maxamuud Sheekh Cali Dheere oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in fikirka Xagjirnimada uu dalka Soomaaliya soo gaaray wixii ka dambeeyay sanadihii Sagaashameeyadii, kaas oo markii dambe soo xoogeystay wixii ka dambeeyay sanadkii 2006.

Sheekh Cali Dheere ayaa qeybaha bulshada ugu baaqay in meel looga soo wada horjeesto kooxda Al Shabaab, isla markaana lala shaqeyo hay’adaha Ammaanka.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa ammaantay barnaamijka SAMAWADE, iyadoo dadweynihii kulanka kasoo qeybgalay ku tirtirsiisay in Qofkii gurigiisa ku qariya kuwa dadka dilaya uu isagu yahay Xagjir

“Xagjir majiro ee waxaa Xagjir ah bulshada guryaha ku qarsaneys kuwa Xagjirka ah ee maalin kasta dilaya haweenka iyo waayeelka, hadii aan inagu u midowno in aan ka hortagno waan ka adkaaneynaa shaki la’aan” ayay tiri Marwo Jawaahir

Guddoomiyaha Degmada Shibis Faa’isa Sheekh Cali Casan Jimcaale ayaa sheegtay in barnaamijkaan uu mihiim u yahay isku xirnaashiyaha Maamulka Degmada iyo Bulshada ku nool Degmada Shibis, waxayna dadweynaha ku dhiirrigelisay in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, degmaduna ay buuxindoonto shuruudihii looga baahnaa ee la xiriira dhinaca Ammaanka.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Cali Siciid oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ka hadlay ahmiyadda Ammaanku uu u leeyahay deegaanka, wuxuuna ballanqaaday in maadaama uu matalo Degmada Shibis in talo iyo tusaale siin doono maamulka Degmada, isagoo tilmaamay in haddii aan amni jirin aysan nolo jirin.

Bulshooy Waxaad Qarsato Weey Ku Qarsadaan.

   

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

Previous Post

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay mowqifka Soomaaliya ee xiisadda diblomaasiyadeed ee gacanka

Next Post

Golaha Wasiirada ee Puntland oo ka hadlay dagaalka ka dhacay deegaanka Af-urur

Next Post
Golaha Wasiirada ee Puntland oo ka hadlay dagaalka ka dhacay deegaanka Af-urur

Golaha Wasiirada ee Puntland oo ka hadlay dagaalka ka dhacay deegaanka Af-urur

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In