Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

MUUQAAL-Kulan looga hadlayay Waxqabadkii Wasaarada Macdanta oo Muqdisho lagu qabtay{SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
MUUQAAL-Kulan looga hadlayay Waxqabadkii Wasaarada Macdanta oo Muqdisho lagu qabtay{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 11 Febraayo 2015: Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ayaa waxa ay soo bandhigtay Barnaamij ay uga warrameyso waxqabadkeedii sanadkii 2014. Munaasabadan oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay huteelka SYL waxaana kasoo qaybgalay Xildhibaanno, xubno ka socda Golaha Wasiiradda, Ganacsato, Ururada Bulshada Rayidka ah iyo shaqaalaha Wasaaradda.

Waxaa goobta lagu soo bandhigay 6 buug oo ka turjumaya hawlihii u qabsoomay Wasaaradda ee 12kii bilood ee lasoo dhaafay sida waxqabadka sanadka, habraaca maaliyadda, xilalka iyo waajibaadka wasaaradda, buug ka sheekeynaya xogta macdanta dalka iyo kuwa kale oo si fahafaahan uga sheekeynaya halka Wasaaaraddu kasoo dhaqaaqday iyo meesha ay maanta taagantahay.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Xaaji Cumar Carrabeey oo ku hadlayay magaca ganacsatada Shidaalka ayaa sheegay in ay wada shaqeyn wanaagsan oo ku saleysan wadatashi iyo iskawarqab joogta ah ay dhexmartay ganacsatada Shidaalka iyo Wasaaradda isaga oo sheegay inay sii xoojin doonaan wadashaqeynta mar walba ay Wasaaradda la leeyihiin. Xaajiga wuxuu ballan qaaday in sidii ay Wasiirka xilka ka dagaya ula shaqeeyeen si la mid ah inay midka imaanayana ula shaqeyn doonaan.

Gudoomiyaha Gudiga Khayraadka ee Barlamaanka Xildhibaan C/qaadir Nuur Aadan ( Siisii) oo ka hadlay madasha ayaa guul u rajeeyay Wasiirka xilka ka dagaya isaga oo bogaadiyay waxqabadii uu ka sameeyay arrimaha macdanta iyo shidaalka Soomaaliya intii uu shaqada hayay. Xildhibaan Siisii wuxuu intaa ku daray in Wasiirka iyo kooxda la shaqeynaysayba ay ahaayeen dad muujiyay dhabar adeyg iyo hufnaan oo mar walba talo iyo fikriba ay kala qaadan jireen iyaga iyo Gudiga Khayraadka ee Barlamaanka.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka oo dhowaan xilka wareejin doona Mudane Daa’uud Maxamed Cumar oo soo afjaray madashan lagu soo bandhigayay waxqabadka Wasaaradda ayaa u mahadceliyay khubaradii iyo shaqaalihii ay wada shaqeeyeen 12kii bilood ee la soo dhaafay. Waxa uu intaa raaciyay in uu ku kalsoonyahay khubarada iyo madaxda la wareegeysa xilka inay halkaa kasii wadi karaan dadaalkii uu u galay sidii Soomaaliya ula soo bixi lahayd saari shidaalkeeda sanadka 2020 si dalka faqriga iyo saboolnimada looga saaro.

β€œWaxaan aaminsanahay inaanu abuurnay wasaarad iyada iswadi karta oo haysata dhamaan aqoon iyo agab wixii looga baahnaa. Waxaan ka codsanayaa madaxda sare ee Dawladda inay ka warqabaan shaqaalaha Wasaaradda iyo khubaradeeda oo aanu ka keennay dibadda iyaga oo shirkado caalami ah hawlaha macdanta iyo shidaalka kala shaqeeya. Dadkaas waxaa loo baahanyahay in laga faa’iideysto.” Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

1 2 3 4 5 6

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdosho 11 02 2015

Next Post

Caasimada Soomaaliya Ee Muqdisho oo bilic qurux badan la soo baxday

Next Post
Isbadelka cusub ee caasimadda Soomaaliya (Daawo Sawirro)

Caasimada Soomaaliya Ee Muqdisho oo bilic qurux badan la soo baxday

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In