Tuesday, December 30, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

MUUQAAL-Kulan looga hadlayay Waxqabadkii Wasaarada Macdanta oo Muqdisho lagu qabtay{SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
MUUQAAL-Kulan looga hadlayay Waxqabadkii Wasaarada Macdanta oo Muqdisho lagu qabtay{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 11 Febraayo 2015: Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ayaa waxa ay soo bandhigtay Barnaamij ay uga warrameyso waxqabadkeedii sanadkii 2014. Munaasabadan oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay huteelka SYL waxaana kasoo qaybgalay Xildhibaanno, xubno ka socda Golaha Wasiiradda, Ganacsato, Ururada Bulshada Rayidka ah iyo shaqaalaha Wasaaradda.

Waxaa goobta lagu soo bandhigay 6 buug oo ka turjumaya hawlihii u qabsoomay Wasaaradda ee 12kii bilood ee lasoo dhaafay sida waxqabadka sanadka, habraaca maaliyadda, xilalka iyo waajibaadka wasaaradda, buug ka sheekeynaya xogta macdanta dalka iyo kuwa kale oo si fahafaahan uga sheekeynaya halka Wasaaaraddu kasoo dhaqaaqday iyo meesha ay maanta taagantahay.

Related posts

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

December 30, 2025
Dowladda Faransiiska oo ka hortimid kala qaybsanaanta Soomaaliya

Dowladda Faransiiska oo ka hortimid kala qaybsanaanta Soomaaliya

December 30, 2025

Xaaji Cumar Carrabeey oo ku hadlayay magaca ganacsatada Shidaalka ayaa sheegay in ay wada shaqeyn wanaagsan oo ku saleysan wadatashi iyo iskawarqab joogta ah ay dhexmartay ganacsatada Shidaalka iyo Wasaaradda isaga oo sheegay inay sii xoojin doonaan wadashaqeynta mar walba ay Wasaaradda la leeyihiin. Xaajiga wuxuu ballan qaaday in sidii ay Wasiirka xilka ka dagaya ula shaqeeyeen si la mid ah inay midka imaanayana ula shaqeyn doonaan.

Gudoomiyaha Gudiga Khayraadka ee Barlamaanka Xildhibaan C/qaadir Nuur Aadan ( Siisii) oo ka hadlay madasha ayaa guul u rajeeyay Wasiirka xilka ka dagaya isaga oo bogaadiyay waxqabadii uu ka sameeyay arrimaha macdanta iyo shidaalka Soomaaliya intii uu shaqada hayay. Xildhibaan Siisii wuxuu intaa ku daray in Wasiirka iyo kooxda la shaqeynaysayba ay ahaayeen dad muujiyay dhabar adeyg iyo hufnaan oo mar walba talo iyo fikriba ay kala qaadan jireen iyaga iyo Gudiga Khayraadka ee Barlamaanka.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka oo dhowaan xilka wareejin doona Mudane Daa’uud Maxamed Cumar oo soo afjaray madashan lagu soo bandhigayay waxqabadka Wasaaradda ayaa u mahadceliyay khubaradii iyo shaqaalihii ay wada shaqeeyeen 12kii bilood ee la soo dhaafay. Waxa uu intaa raaciyay in uu ku kalsoonyahay khubarada iyo madaxda la wareegeysa xilka inay halkaa kasii wadi karaan dadaalkii uu u galay sidii Soomaaliya ula soo bixi lahayd saari shidaalkeeda sanadka 2020 si dalka faqriga iyo saboolnimada looga saaro.

“Waxaan aaminsanahay inaanu abuurnay wasaarad iyada iswadi karta oo haysata dhamaan aqoon iyo agab wixii looga baahnaa. Waxaan ka codsanayaa madaxda sare ee Dawladda inay ka warqabaan shaqaalaha Wasaaradda iyo khubaradeeda oo aanu ka keennay dibadda iyaga oo shirkado caalami ah hawlaha macdanta iyo shidaalka kala shaqeeya. Dadkaas waxaa loo baahanyahay in laga faa’iideysto.” Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

1 2 3 4 5 6

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdosho 11 02 2015

Next Post

Caasimada Soomaaliya Ee Muqdisho oo bilic qurux badan la soo baxday

Next Post
Isbadelka cusub ee caasimadda Soomaaliya (Daawo Sawirro)

Caasimada Soomaaliya Ee Muqdisho oo bilic qurux badan la soo baxday

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

December 30, 2025
0

Kummanaan shacab ah oo kasoo horjeeda xadgudubka Israa’iil ayaa isugu soo baxay gobolada iyo degmooyinka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug....

Dowladda Faransiiska oo ka hortimid kala qaybsanaanta Soomaaliya

Dowladda Faransiiska oo ka hortimid kala qaybsanaanta Soomaaliya

December 30, 2025
0

Dowladda Faransiiska ayaa xalay ka hor caddeysay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (QM) mowqifkeeda ku aaddan inaysan ogolaaneyn in Jamhuuriyadda...

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

December 30, 2025
0

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u garab istaagtay madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid...

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) oo si wadajir ah u diiday faragelinta Israel ee midnimada Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) oo si wadajir ah u diiday faragelinta Israel ee midnimada Soomaaliya.

December 30, 2025
0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ayaa Isniintii si wadajir ah u diiday aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland, kaddib markii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In