Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay Xanaanada Xoolaha oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlayay Xanaanada Xoolaha oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankii wada tashiga ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Xukuumadda Federaalka ah iyo Wasaaradaha Xanaanada xoolaha ee dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Xanaanada ee dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Midowga Yururb, Midowga Afrika iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada iyo beeraha ee FAO oo laba maalin socday ayaa lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo sidoo kale ay ka qeyb galeen guddiga kheyraadka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Dhaqaatiir ayaa intii uu socday waxa ay ka qeyb galayaasha kaga hadleen horumarinta Xanaanada Xoolaha Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen iyo sidoo kale arrimo ay ka mid yihiin dulmarka siyaasada Qaran ee Xanaanada Xoolaha, iyadoo maantana la dhageystay talooyinka wakiilada ka socday maamul goboleedyada.

Related posts

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026

Ugu horeyn Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ,dhirta iyo daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar ayaa sheegay in shirka laga soo saray war-murtiyeed ay ku dhanyihiin intii ka qeyb gashay.

Wasiirka Xanaanada xoolaha ee dowlad  Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Madoobe Nuunow Maxamed oo ku hadlayay magaca Wasiirada Xanaanada Xoolaha ee ka socday dowlad Goboleedyada ayaa balan qaaday in qodobadii kulanka kasoo baxay ay u fulin doonnaan sidii loogu talo galay.

Guddoomiyaha guddiga kheyraadka ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Saciid Maxamed Cali ayaa uga mahad celiyay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Soomaaliya qaban qaabinta kulanka iyo qodobadii kasoo baxay geba gabadiisa.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mudane Siciid Xuseen Ciid oo kulanka soo xiray ayaa u mahad celiyay Wasiirada ka socday dowlad goboleedyada, isagoo sheegay in kulamada kan xiga lagu qaban doono magaaloyinka dowlad goboleedyada.

Kulankan ayaa labadii maalin ee ugu dambeysay waxaa uu ka socday magaalada Muqdisho waxa diirada lagu saaray horumarinta iyo qorshaha xanaanada xoolaha Soomaaliya, waxaana tani ay qeyb ka tahay qorshe lagu horumarinayo Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo ay wado Wasaaradda Xanaada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Soomaaliya.

 

vlcsnap-2016-06-05-21h28m06s134 vlcsnap-2016-06-05-21h28m18s35 vlcsnap-2016-06-05-21h28m31s154 vlcsnap-2016-06-05-21h28m41s17 vlcsnap-2016-06-05-21h28m52s121 vlcsnap-2016-06-05-21h29m42s66 vlcsnap-2016-06-05-21h30m02s41 vlcsnap-2016-06-05-21h30m41s180 vlcsnap-2016-06-05-21h33m58s108

Previous Post

Wasaaradda Diinta: “Berri waa maalinta koobaad ee Ramadaan” Dhageyso

Next Post

Wasiirka Boostada Soomaaliya oo booqday xafiiska IGAD ee Jabuuti

Next Post
Wasiirka Boostada Soomaaliya oo booqday xafiiska IGAD ee Jabuuti

Wasiirka Boostada Soomaaliya oo booqday xafiiska IGAD ee Jabuuti

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In