Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay Xanaanada Xoolaha oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlayay Xanaanada Xoolaha oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankii wada tashiga ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Xukuumadda Federaalka ah iyo Wasaaradaha Xanaanada xoolaha ee dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Xanaanada ee dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Midowga Yururb, Midowga Afrika iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada iyo beeraha ee FAO oo laba maalin socday ayaa lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo sidoo kale ay ka qeyb galeen guddiga kheyraadka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Dhaqaatiir ayaa intii uu socday waxa ay ka qeyb galayaasha kaga hadleen horumarinta Xanaanada Xoolaha Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen iyo sidoo kale arrimo ay ka mid yihiin dulmarka siyaasada Qaran ee Xanaanada Xoolaha, iyadoo maantana la dhageystay talooyinka wakiilada ka socday maamul goboleedyada.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026
Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

September 7, 2026

Ugu horeyn Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ,dhirta iyo daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar ayaa sheegay in shirka laga soo saray war-murtiyeed ay ku dhanyihiin intii ka qeyb gashay.

Wasiirka Xanaanada xoolaha ee dowlad  Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Madoobe Nuunow Maxamed oo ku hadlayay magaca Wasiirada Xanaanada Xoolaha ee ka socday dowlad Goboleedyada ayaa balan qaaday in qodobadii kulanka kasoo baxay ay u fulin doonnaan sidii loogu talo galay.

Guddoomiyaha guddiga kheyraadka ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Saciid Maxamed Cali ayaa uga mahad celiyay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Soomaaliya qaban qaabinta kulanka iyo qodobadii kasoo baxay geba gabadiisa.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mudane Siciid Xuseen Ciid oo kulanka soo xiray ayaa u mahad celiyay Wasiirada ka socday dowlad goboleedyada, isagoo sheegay in kulamada kan xiga lagu qaban doono magaaloyinka dowlad goboleedyada.

Kulankan ayaa labadii maalin ee ugu dambeysay waxaa uu ka socday magaalada Muqdisho waxa diirada lagu saaray horumarinta iyo qorshaha xanaanada xoolaha Soomaaliya, waxaana tani ay qeyb ka tahay qorshe lagu horumarinayo Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo ay wado Wasaaradda Xanaada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Soomaaliya.

vlcsnap-2016-06-05-21h28m06s134 vlcsnap-2016-06-05-21h28m18s35 vlcsnap-2016-06-05-21h28m31s154 vlcsnap-2016-06-05-21h28m41s17 vlcsnap-2016-06-05-21h28m52s121 vlcsnap-2016-06-05-21h29m42s66 vlcsnap-2016-06-05-21h30m02s41 vlcsnap-2016-06-05-21h30m41s180 vlcsnap-2016-06-05-21h33m58s108

Previous Post

Wasaaradda Diinta: “Berri waa maalinta koobaad ee Ramadaan” Dhageyso

Next Post

Wasiirka Boostada Soomaaliya oo booqday xafiiska IGAD ee Jabuuti

Next Post
Wasiirka Boostada Soomaaliya oo booqday xafiiska IGAD ee Jabuuti

Wasiirka Boostada Soomaaliya oo booqday xafiiska IGAD ee Jabuuti

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kormeer ku sameeyay Webiga Shabeelle iyo goobaha nugul...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

September 7, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Lugta Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo howlo shaqo u jooga magaalada Baardheere ee Gobolka...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

September 7, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay duleedka deegaanka Harboole ee degmada Afmadow ee...

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (M Hon. Mohamed Farah Nouh, ayaa si buuxda uga raalli-galiyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In